Markab dagaal oo hordhac u ah heshiiskii difaaca iyo dhaqaalaha ahaa ee dhex maray dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa maanta yimid magaalada Muqdisho. Imaanshaha markabkaan dagaal ee laga leeyahay dalka Turkiga ayaa ku soo beegmaya xilli xiisad siyaasadeed ay ka taagan tahay gudaha Soomaaliya iyo gobolkaba.

Heshiiskan oo ay Ankara ku kala saxiixdeen labada wasiir ee gaashaandhig ee Soomaaliya iyo Turkiga Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Yaşar Güler 8-da bishii Febraayo ayaa lagu tilmaamay heshiis ‘‘difaac iyo iskaashi dhaqaale ah’’.

Waxaa la la xiriiriyay is-fahamka Hargeysa iyo Addis Ababa ay kala saxiixdeen iyada oo siyaasiyiin Soomaali ah iyo xubnaha baarlamaanka ba ku tilmaameen in heshiiskan in dowladda Turkiga ku difaaci doonto xeebaha Soomaaliya muddo dhan toban sannadood waxayna sidoo kale dhisi doonaan sida heshiiskaas oo uu baarlamaanka Soomaaliya meel mariyay lagu sheegay ciidamada badda ee Soomaaliya.

Heshiiskaas oo aan cidi nuqulladiisa iyo sida uu u dhigan yahay la arag ayey golaha wasiiradda Soomaaliya ku ansixiyeen hab gacantaag ah, kadibna waxuu u soo gudbay Baarlamaanka Soomaaliya oo iyaguna meel mariyay.

Soomaaliya ayaan yeelan ciidan badeed oo suga amniga xeebaheeda tan iyo burburkii xukuumaddii dowladii dhexe oo uu madaxweyne Maxamed Siyaad Barre hoggaaminaayay mudadii labaatanka sano ahayd.

Tan iyo xilligii burburka waxaa xeebaha Soomaaliya siyaabo kala duwan ugu sugnaa maraakiib ka socda quwadaha reer galbeedka oo siyaabo kala duwan u joogay xeebaha Soomaaliya uguna badnaayeen kuwii howlgalkoodu ahaa waxii loogu yeedhay la dagaalanka budhcad badeedda oo golaha amaanka ee qaramada midoobay u soo diray Soomaaliya.

Soomaaliya waa dowlad badeed, kheyraadkeedu xoogiisu badduu jiraa hase yeeshee baddii kheyraadkii ay Soomaaliya ku lahayd wayka faa’iidaysan la’dahay sababo badan oo nabadgelyo xumadu u weyntahay.” Admiral Faarax Cumar (Qare) Guddoomiyaha Hay’adda Cilmbibaadhista Baddaha Soomaaliya horeyna u noqday Taliyaha Ciidanka Badda ee Soomaaliya ayaa sidaan qaba,

Admiraalku waxuu sidoo kale qabaa in Soomaaliya tallaabo kasta oo ay dhan walba u qaaddo, samo iyo xumaanba ay uga iman karto xagga badda. ‘‘Soomaaliya wanaag kastana badduu uga iman karaa, dhib kastana badduu uga iman karaa” ayuu yidhi isaga oo sharaxaya muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay baddu.

Imaanshaha markabkaan dagaal ee yimid magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale tilmaamaya habka dhaqangalka ah ee heshiiskii ay dhawaan wada galeen labada dowladood ee Turkiga iyo Soomaaliya. Admiraalku waxuu qabaa in tani tahay caddeyn muujinaysa in dhaqangalka heshiisku uu yahay mid haddaba sidaas ku bilowday.

“Markabku arrintii lagu heshiiyay in horey loo sii waday ayuu tilmaamayaa xaqiiq waaqici ah oo heshiiskii in uu bilaabanaayo ayuuna ku tusinayaa

Cabdullahi Maxamed Cabdullahi Sharciyaqaan Shuruucda Caalamiga Badaha bartay ayaan wax ka weydiinay imaanshaha in ciidamada badda ee iman doona xeebaha Soomaaliya iyo heshiis la’aanta inta badan soo noqnoqota ee maamul goboleedyada dalka ay si uun saamayn ugu yeelan karto heshiishkaan oo si toos ah u hirgala.

“Dowladaha deriska ah oo marar badan damac uu ka yimid dhankooda in ay fili karaan inuu khatar ku yahay heshiiskan laakiin Soomaaliya iyada ayaa iska leh biyaheeda, ilaalinta iyo cidda ay kala kaashanayso iyadaa u madax bannaan.” ayuu sheegay Cabduulaahi oo aan wax ka weydiiyay saamaynta uu gobolka heshiiskan ku yeelan karo.

Dhanka kale khilaafyada soo noqnoqday ee siyaasadeed inta badana saameyn ku yeesha jidka dalka mar walba ku dhaqaaqayo ayuu tilmaamayaa iyagana in ay muhiim u tahay in muhiim u tahay midho dhalka heshiiskaan.

“Soomaaliya horumarkeeda iyo dowlad dhiskeedaba waxaa mar walba saamayn ku leh khilaafyada soo noqnoqda ee Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada, waana laga yaabaa in ay caqabad ka timaado arrinkaan.” ayuu yidhi Cabdulaahi oo ka hadlaya maangalnimada ah in hirgelinta heshiiskan difaaca ee Turkiga iyo Soomaaliya ay si’uun u samayso caqabadaha gudaha Soomaaliya ka jira iyo khilaafka siyaasadeed ee joogta ah.

“Waan arrin khusaysa Soomaalida dhexdeeda in ay ka heshiiyaan waxyaabaha iyaga ka dhex jira, isla markaana khilaafyada danahooda mustaqbalka saamaynaya ay ka heshiiyaan.” ayuu yidhi isaga oo sii wata sharaxanaya ahmiyadda ay leedahay in khilaafyada gudaha Soomaaliya saamaynayana mustaqbalka dalka Soomaalidu ka heshiiso

Heshiishkaa waxuu yahay nala gama wargelin waxuuna u baahan yahay heshiisku in waxuu yahay iyo shaqadda uu qabanayo laysla arko, oo Soomaali isla aragtee wax habeen madoow la yidhaahdo heshiis baa la saxiixday maxuu inoo tarayaa.?”

Warraysi aan dhawaan la yeelanay Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland – Cabdirisaaq Cabdulaahi Xagaa. Oo aan wax kaga weyddiinay sida uu arku heshiiska difaaca badda iyo dhaqaalaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya la gashay turkiga ayuu sidaan kaga jawaabay.

Heshiiskan ay dowladda Soomaaliya la gashay Turkiga ayaa kusoo beegmay xilli Somaliland ay heshiis is-af-garad ah ah la gashay dowladda Itoobiya kaas oo dhigaya sida la sheegay in Somaliland ay ka hesho aqoonsi dowladnimo Itoobiya taas beddelkeedana ay Itoobiya heli doonto saldhigciidamo badeed oo sida la sheegay 20km dhan.

Waxayna horey u sheegtay Somaliland in uusan khuseyn heshiiska ay wada galeen dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo Turkiga.