Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dalka Maraykanka diyaar ula tahay saldhigyo ciidan iyo in uu qaato macdanaha qaaliga ah. Wasiiru dawladdaha arrimaha dibadda ee Soomaaliya Cali Balcad oo waraysi siiyey warbaahinta Bloomberg ayaa sheegay in Soomaaliya Maraykanka hore ula gashay heshiisyo difaac gaar ahaanna sannadkii 1980-kii markaas oo xukuumaddii Kacaanku USA u ogolaatay in uu la wareego saldhig iyo garoonka magaalada Berbera.
Cali Balcad ayaa xusay in ay hadda doonayaan sidii mar kale uu Maraykanku u soo degi lahaa magaalada Berbera isla markaana uu qaadan lahaa macdanaha qaaliga ah.
Waraysiga Cali Balcad ayaa sida muuqata daba socda waraysi ay shalay baahisay wakaalada wararka ee AFP kaas oo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland uu ku sheegay in Somaliland saldhig mileteri siinayso Maraykanka.
Soomaaliya ayaa hore Maraykanka uga dalbatay arrimo la xidhiidha magaalada Berbera balse wax jawaab ah lagama siin dhinaca Washitong.
Gallaydh TV





