Writen by Qaran News |

Dwladda Kanada ayaa masaafurineysa wiil Soomaali ah oo isaga oo 6 jir 2001-di Kanada tagey.

 

Cabdul Yuusuf Cabdi, waxaa uu la socdey labo habar-yarihiis ah iyo walaashiis Faadumo Yuusuf Cabdi oo 2 sano un ka weyn.

Muddo gaaban ka dibna, Faadumo iyo Cabdul waxaa la wareegay hay’adda Caruurta ee maamul goboleed-yada u qaabilsan ilmaha waalid-kood ay daryeeli waayaan in ay ku caawiso arrimaha daryeelkooda, haddii ay suur-tagali-weydana, kala wareegta.

Hay’addi iyo qoysaskii masuulka ka ahaaba, waxaa ay Cabdi iyo Faadumo udalbi waayeen sharciga wadaniyadda ee Kanada si ay muwaadiniin u noqdaan. Intii uu dhallin yaranimadi ku jireenba, Cabdul waxaa uu galey danbi loo xidhey, waxaana uu hadda sugayaa mustaafuris, isaga oo xabsigiisi soo dhameystey.

Hasa ahaatee, Faadumo ayaa dadaal ugu jirta in ay arrintaas hor istaagto. Waxaa ay fiidnimadii habeenkii salaasada  shir dhexdiis su’aal ku weydiisay Ra’iisal wasaaraha Kanada, Justin Trudeau.