
Maraykanka iyo Boqortooyada Ingiriiska ayaa dhimaya tirada shaqaalaha ka jooga saldhigga diyaaradaha ee Al-Udeid ee dalka Qadar, xilli madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ka fiirsanayo in tallaabo uu ka qaado Iiraan, kaddib howlgallada adag ee ay ku qaadeen dibadbaxyaasha dhigaya banaabaxyada ka dhanka ah dowladda.
BBC ayaa fahansan in qaar kamid ah shaqaalaha ciidamada Ingiriiska sidoo kale iyagana laga soo saaray Qadar.
Bayaan ay soo saartay dowladda Qadar ayaa lagu sheegay in tallaabooyinka la sheegay in Maraykanku qaadayo ay yihiin “kuwa looga jawaabayo xiisadaha ka taagan gobolka xilligan”.
Trump ayaa horay u sheegay in Maraykanku qaadi doono “tallaabo aad u adag” oo ka dhan ah Iiran haddii ay mas’uuliyiintu fuliyaan dilka dibadbaxayaasha.
Iiran ayaa sheegtay inay ka aargudan doonto haddii Maraykanku weeraro.
Bbcsomali





