Degdeg:Daacuun ka Dilaacay Jigjiga
Jigjiga(Qaran news)- Wararka ka imaanaya Dowlad degaanka Soomaalida gaar ahaan magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in Cudurka Shuban biyoodka ama Daacuunka uu ka dilaacay magaalada Jigjiga iyo nawaaxigeeda, sida uu sheegay Xafiiska Caafimaadka ee Dowlad degaanka Soomaalida.
Xafiiska Caafimaadku waxa kale oo uu sheegay in hadda ka hor Cudurkan Daacuunka ah lagu arkay degaannada deriska la ah dowlad degaanka Soomaalida, balse hadda la xaqiijiyay in magaalada Jigjiga iyo nawaaxigeeda uu cudurkani ka dillaacay, waa sida lagu baahiyay bogga gaarka ah ee Facebook ku leeyahay Xafiiska Caafimaadka ee degaanka Soomaalida.
May sheegin xafiisku tirada dadka uu cudurkani ku dhacay ama lagu arkay, balse xafiiska ayaa farriimo wacyigalin ah dadka ugu gudbiyay dhanka Warbaahinta taas oo ah in dadku ay ka feejignaadaan cudurkan isla markaana ay si dhow ula socdaan farriimaha gaagaaban ee uu markasta bixinayo xafiisku.
Ugu dambayn Xafiiska Caafimaadka ayaa waxa uu farriin u diray shacabka magaalada Jigjiga taas oo ah in qofkii lagu arko cudurkan lagu soo wargaliyo meelaha ay khusayso iyo xarumaha Caafimaadka, si loola socdo xaaladda caafimaad ee qofka uu cudurkani haleelay.
Cudurkan Shuban biyoodka ama Daacuunka ah oo ah cudur halis ah ayaa horey waxaa loogu arkay gobollada cidhifka ah gaar ahaan kuwa xiga dhanka xuduudda degaanku la leeyahay degaanka Oromiya, iyadoo haatana la sheegayo in caasimaddii dowlad degaanka Soomaalida ee Jigjiga uu ka dilaacay cudurka Daacuunka oo ah cudur faafa oo inta badan loo geeriyoodo.