Writen by Qaran News |

Dagaal culus oo ka dhex qarxay Ciidamada Somaliland & Kuwa maamulka Puntland Degaanka Tuko-raq

Laas-caanood-(Qaran-news)- Wararka naga soo gaadhaya deegaanka Tukaraq ee ay maalmihii  la soo dhaafay isku hor-fadhiyeen ciidamada Somaliland & kuwa maamulka Puntland ayaa dagaal culus ka qarxay Goordhaweyd.

Wararka ayaa sheegaya in Deryanka Rasaasta & Hubka kala duwan ee la isdhaafsanayo si toos ah looga maqlaayo deegaano ka fogfog Gooabaha lagu dagaalamayo, waxaanay wararku intaas ku darayaan in dagaalku xoogan yahay.

ILaa hadda ma jirto wax tafaasiil & faahfaahin dheeraad ah oo ka soo baxaysa dagaaladan dib uga qarxay Tukaraq maanta & Labada dhinac ee ku hirdamaya.