Degdeg:M/weyne Muuse Biixi oo Golihiisa Xukumada Seefta la dhexqaaday+isku-saandheyn,Xilkaqaadis,Bedelid & Magacaabid

 
Wareegto Madaxweyne : 02/09/2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-708/092021 uu Xilka qaadis, bedel iyo Magacaabid ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta xukuumadda.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Wareegto Madaxweyne
UJEEDDO: XIL KA-QAADIS
Ku: Maxamed Muuse Diiriye,
Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha,
Ku: Jaamac Maxamuud Cigaal,
Wasiirkii Hore ee Wasaarada Macdanta iyo Tamarta
Ku: Yuusuf Mire Maxamed (Boos),
Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha
Ku: Sh. Khaliil Cabdillaahi Axmed,
Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta
Ku: Axmed Muumin Seed Habane,
Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha
Ku: Cabdinaasir Cumar Jaamac Rooble,
Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka
Ku: Cabdiqaadir Cumar Jaamac Maxamed
Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka
Ku: Yuusuf Maxamed Guuleed Boodhle,
Wakiilkii Hore ee Somaliland ee Dalka Itoobiya
Ku: Farxaan Aadan Haybe,
Guddoomiyihii Hore ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda
Ku: Cali Ibraahim Jaamac Baqdaadi,
Guddoomiyihii Hore ee Baanka Dhexe
Mudanayaal,
Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen. Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalka Qaranka.
UJEEDDO: MAGACAABID
Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi;
Waxaan Go’aansaday;
In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:
1. Ciise Kayd Maxamuud Raagsaale Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.
2. Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.
3. Maxamed Xaaji Cismaan Jaamac Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha.
4. Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed Ataash Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka.
5. Cali Xasan Maxamed Jaamac Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha.
6. Cabdillaahi Faarax Cabdi Muuse Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta.
7. Sh. Cabdirisaaq Xuseen Cali Albaani Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.
8. Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.
9. Cumar Cali Cabdillaahi Bade Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.
10. Cabdillaahi Abokor Cismaan Aw Yuusuf Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka & Guriyeynta.
11. Cabdillaahi Cabdiraxmaan Aare Cismaan Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga iyo Wershadaha.
12. Baashe Cawil Cumar Cabdi Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.
13. Liibaan Yuusuf Cismaan Xuseen Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.
14. Rooda Jaamac Cilmi Cabdulle Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.
15. Cabdiraxmaan Cali Cabdi Cali Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka.
16. Muuse Ibraahim Yuusuf Salaf Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska.
17. Cabdillaahi Xuseen Maxamed Cilmi Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Arrimaha Amniga.
18. Cabdinaasir Caydiid Maxamed Faarax Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Arrimaha Gobollada iyo Dawladaha Hoose.
19. Mahdi Cabdillaahi Cismaan Maxamed Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caddaaladda.
20. Siciid Axmed Jibriil Bahal Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Biyaha.
21. Cabdixakiim Siciid Muuse Cabdi Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska.
22. Axmed Xasan Nuur (Axmed Taajir) Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.
23. Maxamed Axmed Maxamuud Cawad Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Itoobiya.
24. Cali Cabdillaahi Daahir Xirsi Guddoomiyaha Baanka Dhexe.
25. Khaalid Jaamac Axmed Ducaale Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda.
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland