Maydh- (Qaran news)-Ganacsatadii Reer Sanaag Ee Boosaaso Wax kala Soo Dagijirtey Oo Uwareegtey Dakada Maydh :

Doontii ugu horeeysay oo siday in ka badan 100 tan oo Cargo ah ayaa ku soo xidhatay dekedda Maydh (Maydh Jetty) ee gobolka Sanaag.

Waxa la xaqiijiyey guud ahaan ganacsatadii gobolka Sanaag ee kala soo dagi jiray alaabaha kala duwan Dekada Bosaaso inay usoo wareegeen Dakadan madaama ay kala xidhan tahay wadada isku xidha Puntland iyo Somaliland .

Waa il dhaqaale oo kale oo usoo kordhay Somaaliland iyo Guud ahaanba umada Gobolada bariga kuwaasi oo ay bishani uga curatey Dakada Maydh ee gobolka Sanaag.

Waxa iyaguna dhexda kusoo jira ilaa 14 Doonyood oo kale oo sida shixnado ganacsi oo kala duwan kuwaasi oo todobaadkani soo socda iyo ka ka dambeeya kusoo xidhan doona Dekada Maydh ee Gobolka Sanaag.

Rasmi