Dhaam Biyood Laga Dhagax-dhigay Deegaanka Qudhac-gaab
Hargeysa(Qaran)-Wasiirka wasaaradda horumarinta Biyaha Jamhuuriyadda Somaliland Cali Maxamed Xasan (Cali Mareexaan) ayaa deegaanka Qudhac-gaab oo ka tirsan gobolka Togdheer, ka dhagax dhigay Dhaam biyood, ay xukuumadu ka fulinayso deegaankaasi.
Wasiirka biyaha ayaa sheegay in biyuhu ay yihiin tiirka ugu muhiinsan addeegyada asaasiga u ah nolosha aadanaha, isla markaana ahmiyada koobaad la siinayo horumarinta adeegyada biyaha dalka.
Geesta kale waxa uu tilmaamay in ay ka goโan tahay ka wasaarad biyo ahaan, sidii guud ahaanba bulshadda reer Somaliland loo gaadhsiin lahaa biyo nadiif ah oo ku filan.
Dhagax dhiga Dhaam-biyoodkan waxaa wasiirka ku wehelinayay xubno ka mida xildhibaanada golaha wakiillada, maamulka heer gobol iyo heer degmo ee gobolka Togdheer iyo masuuliyiin kale.
Bulshada ku nool degaanka Qudhac-gaab ee Dhaam-biyoodkan laga dhagax-dhigey ayaa wasaaradda horumarinta biyaha uga mahadceliyay, waxaanay sheegeen in ay baahi weyn u qabeen, isla markaana uu wax weyn ka tari doono biyo yaraantii ka jirtay degaankaasi iyo degaanada kale eek u dhaw dhaw.
Wasaaradda biyaha JSL ayaa dadaal ugu jirta sidii bulshada loogaadhsiinlaha biyo ku filan.