“Xisbigga WADDANI waxa uu aad iyo uga xun yahay labadaas dhacdo ee maalmo guddahood ka dhacay Hargeysa Stadium, waxay foolxumo iyo sumcad-darro u soo jiidaysa Qarankeena iyo Dawladnimadeena.
Marka ciddii Masuuliyaddan lahayd lala xisaabtami waayo maalinba dhacdo foolxun ayaynu ku arki doona garoomadda ciyaaraha, Maantase waxaan Eedan dusha ka saaraya Xidhiidhka kubada cagta soomaliland (XKCSL )oo aad moodo in nin keliya uu jeebka ku ritay oo qas ciyaareed Dalkii geliyay.
Dhawaan waxaan ka hadli doonaa shaqo xumadda iyo sharci-jebinta joogtada ah ee XKCSL ka jira.”
Mr. Yuusuf Nuux Yuusuf (Tadhase)
Xoghayaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xisbigga WADDANI.