Dhakhaatiir Qaliinada qaabilsan oo Imtixaan u Fadhiistay

Hargeysa(Qaran news)-Masuuliyiinta Jaamacada Hageysa iyo cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, ayaa Imtixaan ka qaaday Dhakhaatiir ku takhakhusay Qaliinnada iyo Gargaarka Degdeg ah.
Dhaqaatiirtaas ayaa Goobtii imtixaankaas lagaga qaadaayey waxaa goob joog ku ahaa masuuliyiin ka kala socotey jaamacadda Hargeysa, Cisbitaalka Guud Magaaladda Hargeysa iyo shan dhaqtar oo ka socday jamacadda Turkiga ku taala ee Istanbul MENENITAY university ), waxaaney dhakhaatiirtaasi ay takhasusyo siiyaan ardeyda kuliyadda caafimaadka Jaamacadda Hargeysa iyo Ardeyda ka howlgasha cisbitaalka guud ee Magaaladda Hargeysa.

Agaasimaha Cisbitaalka Guud Ee Magaaladda Hargeysa Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan ayaa faahfaahin ka bixiyey dadaalada kor looqu qaadaayo takhasasusaadka dhaqaatiirta Dalka ka howlgasha waxaanu tilmaamay in masuuliyiinta jaamacadda Magaaladda Hargeysa kala shaqeeyaan tababarada dhaqaatiirta ka howlgasha cisbitaalka guud Magaladda Hargeysa, oo tabobarada aqoonta takhasusaadka ku dhex qaata xarunta Cisbitaalka Guud Magaaladda Hargeysa ,si kor u qaadis loogu sameeyo adeegyada caafimaadka la siinaayo dadka bukaan ah ku jira cisbitaalkaas, waxaa kale agaasimuhu xusey in adeegyada caafimaadka cisbitaaladda Dalka wax weyni iska baddeli doonaan mustaqbalka dhow.

Sidoo kale Hormuudka kulliyadda caafimaadka jaamacadda Hargeysa Dr. Ayaanle Saleebaan Hagoog iyo Masuul ka tirsanaa jaamacadda Istanbul Meneniyat University ayaa ka warameen aqoonta dhaqaatiirtaas ka socdey jaamacadda Istanbul tabobaradda siinayaan dhaqaatiirta ka howlgasha cisbitaalka Magaaladda hargeysa.

Gaba-gabadiina, Dhaqaatiirtaas ka socotey jaamacadda Istanbul ayaa waxay sheegeen in tabobaraddaas dalka ka soo bilaabeen sannadkii hore ,waxaanay kugu talo galeen in wadanka ka socdaan Barnaamijyadaas kor uguqaadaan aqoonta dhaqaatiirta Dalka ka howlshasha ,gaar ahaanna cisbitaalka guud ee Magaaladda Hargeysa.