Dhalinyaro ka kooban aqoonyahan iyo wax garad isla markaasina ka soo jeeda jifada madaxweyne Muuse Biixi ee reer Samatar ayaa kulamo mudo qaatay la yeeshay qaar ka mid ah madaxda xisbiga Waddani ee Somaliland madaxdaasi oo ay isku deegaano ka soo wada jeedaan dhalinyaradani. Dhalinyaradani ayaa saaka kulan balaadhan oo duco iyo is waraysi ah la yeeshay suldaanka guud ee beelaha Habar Awal suldaan Xasan

Wararku waxa ay sheegayaan in dhalinyaradani ay qayb ka yihiin isbadal doonka ka socda dalka waxana lagu wadaa in dhalinyaradani ay ku biiraan xisbiga Waddani oo ah xisbiga rajada iyo midnimada Somaliland.

Dhowrkii todobaad ina soo dhaafay waxa aad xisbiga Waddani ugu soo badnaayay oo taageero buuxdavla garab istaagay deegaanada ay ka soo kala jeedaan Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wasiirka arimaha gudaha mudane Maxames Kaahin Axmed oo bulshadii deegaankiisu ay todobaadkii hore ku biireen xisbiga Waddani.