Dhawr jumladood oo ku aadan xuska 18 May iyo waxyaalaha muhiimka ah:

1. Xuska 18 May waxay mudan tahay una qalantaa miisaan ka weyn midka hadda lagu xuso. In kastoo ay tahay maalin dabbaaldeg, xaflado iyo farxad lagu qaabilo, haddana waxay kale oo innaga mudan tahay oo ay xambaarsan tahay fursado iyo faa’iidooyin waaweyn.

Ujeeddooyinka ugu waaweyn ee ummaduhu u xusaan Sannadguurooyinka waxaa ugu mudan:

1. In la cusboonaysiiyo dareenka waddaniyadda, midnimada, wadajirka, is-hurranaanta, kala-maaran la’aanta iyo is-ahaanshaha shucuubta wada hadhsata hal qaran.

2. Waa in la isu muujiyo caalamkana la tuso qarannimada, ummadnimada iyo dowladnimada iyadoo lagu muujinayo calanka iyo astaamaha u gaarka ah dalka.

3. Waa in la soo jeediyo khudbado iyo hadallo lagu xusayo taariikh, sooyaalka iyo abtirka ummadeed, dhacdooyinkii dhaxalgalka ahaa, halgannadii loo galay madaxbannaanina iyo taabagelinta dowladnimada.

4. Waa sannad-guuro da’yarta looga qisoodo dhacdooyinkii iyo mahadhooyinka suureeyey ee bud-dhigga u ahaa horumarka la xaqiijiyey iyo waxa ay maanta yihiin.

5. Waa maalin la xusuusiyo dadka laguna celceliyo dareen ka turjumaya “INNAGA” (we) kuwaas oo ay kaga duwan yihiin shucuubta kale oo ah “IYAGA”. Waxaa la xoojiyaa waxa laga siman yahay ee la wada leeyahay waxaana la hoos loo dhigaa waxyaalaha lagu kala duwan yahay.

6. Waxaa lagu xusaa halgamayaashii mayalka u hayey dedaalladii madaxbannaanida iyo dowladnimada maanta la hadhsanayo.

7. Waa maalin la kiciyo shucuurta shacabka laguna beero is-jacayl, is-kaalmaysi, wax-wada-qabsi, wax-wada-lahaansho iyo isku-filnaansho.

8. Waa maalin dadka la dareensiiyo waxa ay isu yihiin ee mideeya, ficilna lagu muujiyo oo dadku iska wada arkaan qarannimada la hadhsanayo.

9. Sidoo kale ma aha maalin ku kooban kaliya wixii la soo maray iyo waxa markaa taagan. Balse waa maalin dadka lagu beero kalsooni iyo hubanti ay ku qabaan mustaqbalkooda dhow iyo midka fogba lagana maydho shakiga iyo cabsida waayaha iyo duruufaha ku gedaaman.

10. Sannadguurada waxaa loo xusaa cusboonaysiinta heshiiska bulsho ee ay ku qotonto dowladnimadoodu. Waxaa la xoojiyaa kalsoonida iyo aaminaadda ay ku qabaan nidaamka dowladnimo, hay’adaha dowliga ah khaas ahaan kuwa xidhiidhka tooska ah la leh dadweynaha sida garsoorka iyo booliska.

11. Waa maalin dadka loo ifiyo mustaqbal toolmoon oo naruuro ka buuxdo, maalin la tuso, hiraal iyo higsi mustaqbal ay wada leeyihiin oo ku abuura kalsooni iyo aaminaad ay ku qabaan dalkooda, nidaamkooda iyo horumarkooda.

12. Waa maalinta dadka loo dhayo boogaha damqanaya oo lagu daweeyo qorsheyaal dhaba oo loo soo bandhigo.

13. Waa maalin shucuubta lagu beero RAJO. Rajo dhow iyo mid fogba. Waa maalin dadka laga daweeyo lagana maydho kala-qoqobka, is-qabqabsiga iyo tabashooyinka dhexdooda oo loogu bedelo is-ixtiraam, wada-noolaansho, sinnaan iyo is-xaqdhowr.
14. Waa maalin muwaadinku dareema macnaha ay muwaadinnimadiisu ku fadhido.
15. Haddaba, marka ay sidaa tahay, waxaa inoo cad in xuska maalinta madaxbannaanida Somaliland ee 18 May ay ugu mudan tahay in la dhawro jiritaankeeda oo ay ugu muhiimsan tahay ilaalinta iyo ku dhaqanka Dastuurka.