Writen by Qaran News |

Qaybtii 2aad :

DHAXALKII KULMIYE WAA TOBAN JIRSADAY.

Intii ila socotay Qormadii hore ee aan idinla wadaagay ,10 feb 2019 , waxay inoo joogtay ,doorashadii dhacday 2010kii , suaal baa inoo taagnayd ahayd , maxaa dadku waqtigaa ka cabanaayey ? , maxaa se laga filaayey ka dib guushii kulmiye ?

Halkaas aan ka bilaabo , doorashadii dhacday 2010 kii ee ka dhacday Somaliland , dadku waqtigaas waxay qabeen rajo wacan oo dowladnimo , kaliya waxay karahsanaayeen ama saluugayeen dowladii markaas jirtay .

Waxaanay ku saluugayeen , inaanay dowladaasi ka jawaabin assaasiyaadkii nolosha bulshada . Saluuga shacab ee jiray, shacabku kuma kala qaybsanayn , waxay ahaayeen shacab meel u wada socda , dhawaaqooduna midyahay , marka laga reebo qaybo ka mida bulshada oo iyagu qorshaha kulmiye ee ku dhisan( kala qaybinta , iyo naxliga bulshada dhexdeeda) ay saamaysay , una dhagonuglaa , durbaanka kulmiyena aad ula dhacsanaa.

Dadku maxay ka cabanayeen waqitigaas ;

1. Musuqmaasuq ,
2. Iibinta hantida qaranka oo bilow ahayd,
3. Xoriyadul qowlka oo cidhiidhi ku jiray,
4. Biyo la ‘aan meel walba gaadhay,
5. Laydh la’aan , taasoo caqabad ku ahayd warshadlayda yaryar iyo guud ahaan shacabka,
6. Waxbarasho bilaa tayo ah , iyo wadanka oo sidii dukaamada loo furtay kuliyado aan ku iman hab qanuuni ah oo ku dhisan manhaj umada lagu aamini karo , oo iska uun ganacsi ah ,
7. Adeega caafimaadka oo xumaa oo aan horumar laga samayn ,
8. Dhinaca garsoorka oo la saluugaayey , iyo inaan la dhamaystirin shuruuc badan dadka iyo dalkuba u baahnaayeen in la furfuro , lana dhamaystiro iwm .

Dhanka kale waxay ku faraxsanaayeen meelo badan oo xukuumadaas UDUB guulo ka gaadhay sida :

1. Shacabka oo isku soo dhawaanaayey , ismaaminaayey dowladnimana u diyaar ahaa , mucaaradadooduna aanay ahayn mid iyagu isku jeedaane, ay ahayd mid wax lagu hagaajinaayo,
2. Ciidamada kala duwan ee dalka JSL oo dhismay ,waa ciidanka qaranka , policeka , asluubta iyo dhaman hayadaha sirdoonka , socdaalka , oo aad loo tayeeyey si mudakarana u dhismay,
3. Maamulka oo fiday oo la gaadhsiiyey ilaa bariga iyo waxii ka shisheeya ,
4. Arimaha doorashooyinka oo guulo badan laga gaadhay , doorashooyin aan dhiig ku daadadan si nabadgalyo ah u dhacay , heerkasta oo ay ahayd ,
5 . Somaliland oo waqtigaas asxaab badan ku lahayd caalamka , xafiisyada aynu ku leenahay dunida oo shaqadooda iyo diblomaasiyadeeduba aad u xooganayd iwm.

Iyadoo halkaas la marayo , oo shacabku diyaar u yihiin , in la helo cid waxaa qabsoomay gacanta midig ku haysa ,waxa ka dhimana dhamaystira , waxii qaldamayna ka dabo taga oo saxa , oo isbadalkaas dalka iyo dadkuba u baahanyahay , ayay dhacday doorashadii 2010kii .

Shacab weynihii waqtigaas saluugsanaa xisbigii talada dalka hayey waqtigaas ee UDUB, waxay qabeen rajo isbadal , marka laga reebo intii ay asqaysay dabayshii kulmiye , dadka badankoodu waxay ahaayeen isbadal doon ,isbadelkaasna waxay ka qabeen in hadii ay UDUB badalaan , in kulmiye isbadal keeni doono sabab , waxay aaminsanaayeen sidan hoose:

I. Kulmiye waxay ka aaminsanaayeen , inuu hogaaminaayeeyey , murashaxna u ahaa Mudane Ahmed Siilaanyo , oo lagu tuhmaayey inuu yahay ninkii ugu siyaasisanaa , uguna khibrada badnaa ragii saaxada siyaasada waqtigaas joogay , waxa kale oo intaas dheerayd inuu ahaa hogaamiyihii SNM , oo laga filaayey inuu dalka lexejeclo ka leeyahay , una tudhi doono dadka iyo dalkaba , waxa intaas dheeraa , inuu ahaa nin cadaalad daro ka dagaalamay waagaas , oo layslahaa cadaalad ayuu keeni, isagoo ahaa nin bartay cimiga dhaqaalaha, oo laga rajaynaayey inuu ku dhaqaaqi doono inuu bulshada u sahantago , bilaabana mashaaric lagu kobcinaayo dhismaha dhanka dhaqaalaha , abuuri doono shaqo abuur iwm. (Waa sababihii keenay guusha kulmiye , iyo in la taageero Siilaanyo).

II. Teamkii uu watay ee kulmiye oo qaar culmi ahaayeen , oo dhanka diinta loo tuhmaayey , inay dalka ka samayn doonaan maamul wanaag, oo ay xaaraanta iska ilaalin doonaan,

III. Xukuumadii UDUB oo u badnayd dhanka dhegta , arimaha ciidanka iyo dhagodhagaynta ahmiyad weyn siisay oo ay ku ilowday arimihii bulshada , taas oo shacabku kulmiye ka rajaynaayey inay xooga saari doonaan arimaha bulshada , Qaybtaas la ilaabay ay soo dhisi doonaan , si qaranku isu soo wada gaadho , adeeg ahaan iyo dhismo ahaanba iwm.

Doorashadii dhacday 2010kii , kulmiye guulaysay ; hadlkuu ka bilaabay markaas :

Doorashadaas waxay keentay isbadalkii dalka ka dhacay ee qofafka (qof qof badalay uun ) isbadal aan aragti wadan ee ahaa uun kursi wax lagu boobo in la gaadho .

Kulmiye markii xilka loo tiriyey , muu abaarin inuu duruufihii dalka ka jiray wax ka qabto , waxa uu ka bilaabay inuu magacaabo ,gudi ka soo talisa in la furo urardii siyaasiga ahaa iyo in kale , isagoo ka dhigaaya abaalcelintii ugu horaysay ee uu sameeyo , una sameeyo rag la soo kifaaxay guushiisana kaalin mugleh ku lahaa ,inuu u fuliyo dalabkoodii.

Dowladii kulmiye ee bilaabantay 2010 , shaqooyinkii ugu horeeyey ay bilowday waxay noqdeen , inay dadkii la soo shaqeeyey , ee guusha markaas loo nisbaynaayey keenideeda , in heshiisyadii lala galay loo fuliyo , in loo mahadnaqo , in balamihii iyo wacadkii loo gudo , kii siyaasi ahaa in xil la siiyo , kii ganacsade ahaa kootooyin loo xidho , in fursado ganacsi iyo cashuura dhaaf loo sameeyo , kuwii xisbiyada rabay in loo furo ururadii , in la sameeyo shaqooyin ku dhisan saaxiibtinimo iyo abaal celin oo mushahar waawayn iyo gunooyin lagu bixiyo , tusaale hadaan ku siiyo , madaxtooyadeenu waa waqtigii ay yeelatay 15ka la taliye , waxay talo keeneena aan la arag , waxuunbay ahayd shaqo abuur ku dhisan saaxiibtinimo iyo abaal celin .

2010 kii markaas shacabka Somaliland waxa u dhalatay (dowladii abaalcelinta ).

Talaabooyinka noocaasa ee bilowga ahaa , ayaa markiiba bulshadu kasoo booday, keentayna inay dhabaha u xaadho wax alaale iyo waxii dhacdooyin dhacay 7 sano ee siilaanyo madaxda ka ahaa wadanka.

Waxay ka bilaabeen :

@Talaabadii ugu horaysay inay inagu furan ururo , taasoo bulshadii kala qaybisay , oo ardaa waliba xisbi furtay waxii ka dhacayna la ogaa ,

@Waxay ka bilaabeen inay abuuraan aragti , ay ku raadcaynayaan meel kasta oo lacagi taalo , wallow dan qaranba yay ku jirine , waxay fureen wadahadaladii Somalia iyo Somaliland , ujeedka u galena ahayd lacag raadis ,

@ Waxay bilaabeen inay dhamaan wasiirada wadanku hal mashruuc ka wada hadlaan , dowlad dhan badhna dilaaliin yihiin badhna in quudaysa , oo hal mowduuc ka wada hadlaaya oo aan lahayn masuuliyad iyo siyaasado shaqo oo kala duwan (waa habdhaqankii kulmiye ),

@Waxay bilaabeen in dagaalo bilaa ujeedo ah ay ku qaadaan bariga Somaliland , sida kalshaale iyo buuhoodle ,taasoo keentay inay abuuranto dowlado sheeganaya Somaliland ,sida khaatumo, iwm,

@Waxay bilaabeen inay halkii ka sii wadaan iibka iyo xaraashka hantidda qaranka ilaa ay gabogabeeyeen ,

@Waxay bilaabeen inay gurraan oo iib geeyaan macdanta dalka , buuraha , in wasaarad waliba waxii ka ag dhawaa ay shidaalaysato ,iska bismilaysato , cid cid la xisaabtantaa aanay jirin ,jaantaa rogan,

@In haykalkii iyo hanaankii awooda ee dowladnimo lumo , ninba nin u awood sheegto , sharcigii dalka lagu tunto ,

@In la cabudhiyo shacabka , siyaasiyiinta mucaaradka ah , saxaafada , dhaqanka iyo cidkasta oo xataa dumar la xidhxidho , guryaha loogu dhaco , wax kasta oo foolxumo ah dhanka xuquuqda qofku leeyahay maamulkaasi wuu samaysay ,

@Waxa intaas dheerayd aakhirkii inay dalkiiba xaqu qalin siistaan , oo dawlado shisheeye inoo soo jilaabaan , oo weerar ku ah khayraadkeena iyo hantideena ma guurtada ah ,
@Inay dadkii kala qaybiyeen isku jeediyeen , magacyo u kala bixiyeen oo inba meel ku oodeen ,qaar somaliweyn ku sheegeen , qaarna jeegaan ku sheegeen , qaar darafyada ku sheegee iwm,

@Waxa uu kharibay oo baabiiyey hanaankii dimiquraadiga ahaa ee soo koraayey ee ka hirgalay Somaliland , dhamaan doorashooyinkii dalka ka dhacay ee ay kulmiye qabteen mid aan dhiig ku daadan ma jiro.

Intaasba iyadoo laga dhaxlay dowladii uu hogaaminaayey Madaxweyne siilaanyo , ayaa hadana nasiibdarada ugu weyn uu kaga tagay ay tahay , inuu u loogay muuse biixi inuu halkii ka ka sii wado dhibaatadii .

“ Ayax tag ,se eel reeb “ ayay noqotay .

Halkaas waxaan kusoo koobayaa shaqada dowladnimo halkay ka bilaabeen ,markii ay xukunka qabteen.

#Gabogabadii:

Markaan si guud usoo koobo, dhaxalka kulmiye ee hada sii toban jirsanaaya waxaynu ka dhaxalnay :

* Mususq maasuq gaadhay heerkii ugu sareeyey , oo aan wali soo marin Somaliland , oo aan ilaahay laga xishoon , oo la boqno gooyey dhamaan asaasiyaadkii iyo hantidii umada , la dhaxal wareejiyey,

* Waxaynu ka dhaxalnay kulmiye kutumasho sharcigii umaddu dhigatay ,dowladnimadii oo la uskageeyey oo loo adeegsaday sidii shirkad gaar loo leeyahay ,

* Qabyaalad xadhkaha goosatay , in shacabkii laysu tilmaamo , la kala saraysiiyo , la kala qoqobay , laysku diray oo dhamaan shacabkii kala aamin baxay , badh magacyo loo bixiyey , badhna meelo kale loo nisbeeyey oo ilaa imika socda ,joogto ah,

* Waxaynu ka dhaxalnay in la laabo dhamaan hanaankii dimiquraadiga ahaa ee socday , doorashooyinkii dalka oo laga dhigtay inay u shaqeeyaan hab shirkadeed oo gara loo leeyahay oo aan la ogolaan tartankii xalaasha ahaa ee bilowga ahaa, laguna badalay hanaan aan lagu kalsoonaan Karin,

* Waxaynu ka dhaxalnay sicir barar khatar galiyey nolosha bulshada danyarta ah,
Waxaynu ka dhaxalnay inaanay maanta jirin adeeg bulsho oo ah waxii dowladnimada loo samaystay,

* Waxaynu ka dhaxalnay bulshadii soo koraysay oo lagu barbaariyey guulwadayn , oo haybadii bulshada si khaldan loo adeegsaday,

* Waxaynu ka dhaxalnay been joogto ah iyo marin habaabin lagu wado masiirka umada iyo in laga been sheego siyaasada bulshada dhamaan qaybaheeda kala duwan,

* Waxaynu ka dhaxalnay awoodii dalka oo furfuran , jabhado ,kala shaki keeni kara burbur shacab oo aan ilaa maanta dawadeedii la hayn ,

* Waxa laga dhaxlay in la dhaxal wareejiyey halbowlayaashii dhaqaale ee umadu lahayn ,sida dekeda berbera , airportka berbera , buuraha macdanta ah , shisheeye iyo sokeeyaba gacanta loo galiyey ,lana dhaafsaday xaqulqalin. Lama soo koobi karo dhibaatada kulmiye ina gaadhsiiyey ilaa hada joogtada ah.

Waxaan oo dhibaato ah ee laga dhaxlay Kulmiye , waa dhaawac kuyaala bulshada Somaliland ,ilaa hadana socda oo kolba midab gaara loo yeelayo.

——-Dhamaad——–

Sir-Abdirashid Hussein Yusuf
Email: Gahaydhle@live.com,
Doha,Qatar.