Dhegooleyaasha Somaliland oo lagu Tababarayo Barashada Dastuurka
Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdinaasir Muxumed Xasan(Buuni) ayaa kulan la qaatay ururka dadka maqalkoodu xadidan yahay.
Ujeedada kulankan ayaa ahayd sidii ay wasaaraddu u bari lahayd dadka maqalkoodu xadidan yahay dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo waddaniyadda,si ay u bartaan xuquuqda ay ku lee yihiin qarankooda Jamhuuriyadda Somaliland.
Kulankan ayaa markii uu soo dhammaaday ka hadlay kulankaasi ayaa tilmaamay in ay wasaaraddiisa ka go’an tahay horumarinta siyaasad ay yeeshaan dadka maqalkoodu xadidan yahay,isaga oo intaas ku daray in wasaaraddu ay diyaarisay qorshihii lagu bari lahaa dadkan Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,Waddaniyada iyo sidoo kalena xuquuqaha kale ee ay qaranka ku lee yihiin.