Dhengad baan kaga soo saarayna….. Maxamed Kaahin+Ina Rayaale Dhegahiisu wanaag & Nabad maqli waaye waxaa muhiim ah in wixii dhegihiisu maqli karaan la sameeyo…. Muuse Biixi Cabdi

Daahir Rayaale Kaahin 23-kii February, 1997dii shirweynihii Beelaha Somaliland ee Magaalada Hargeysa ee Madaxweyne loogu doortay Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ayaa isna Daahir Rayaale Kaahin loogu doortay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland. 3-May 2002-dii ayaa loo doortay Madaxweynaha Somaliland kadib markii uu Madaxweynihii JSL Alle hawnaxariiste uu ku geeriyooday Waddanka Koonfur Afrika. Sannad gudihii ayuu ku qabtay doorashadii Ururada iyo dawlaha hoose oo ahayd midii ugu horraysay ee Somaliland ka dhacda, Lixbilood oo kaliya isagoo Xilka haya ayuu qabtay doorashada December 2002-dii.Haddana doorashadii Madaxweynaha ayuu qabtay saddex bilood oo kaliya kadib.
April 2003- ayuu qabtay doorashadii Madaxweynaha oo ay ku tartameen saddexdii Xisbi ee UCID, UDUB iyo Kulmiye, waanu ku guulaystay. Muddo kordhin loo soo bandhigay marku xilka qabtay ayuu diiday waxaanu si layaab leh u qabtay 9-bilood gudahood laba doorasho oo waa wayn. Markale isagoo xilka haya muddo ka yar saddex sanno wxuu September 2005 qabtay doorashadii Golaha Wakiilada oo ahayd tii ugu horraysay ee Waddanka Somaliland ka dhacda intii ay xorriyadeeda la soo noqotay. In kasta oo uu Mucaarid xoogan la kulmay, wuxuu aha Madaxweyne degan oo dulqaad badan. Weedhaha kakan ee xagga dhaliisha iyo weerarka loo adeegsaday ee aan wali ilaa hadda Madaxweyne kale lagu odhan waxaa kamid ahaa.
“Dhengad baan kaga soo saarayna”. Maxamed Kaahin.
“Ina Rayaale dhegahiisu wanaag iyo nabad maqli waaye waxaa muhiim ah in wixii dhagihiisu maqli karaan la sameeyo”. Muuse Biixi Cabdi
“Daahir Rayaale wuxuu ahaa guddoomiyihii guddida nabadgelyada ee Berbera oo 500, oo Ruux lagu xasuuqay ee ku jira hay’addaha xuquuqda aadamaha.” Muuuse Biixi Cabdi.
“Maxamed Rayaale waxaan leeyahay”. Madaxweyne Axmed Siilaanyo maruu inkiraayay magaca Daahir xili uu shirjaraaid iyo eedayn u jeedinaayay.
“Hadaan lays yeel yeelayn way cadahay in Ninkaas isaga ah (Madaxweyne Rayaale) uu leeyahay halkan aan fadhiyo kama ogoli in cidina igulahadasho oo aan tallo la wadaago”. Muuse Biixi Cabdi .
Hadalada iyo kuwo kale oo xajiimaysnaa Madaxweyne Daahir Rayaale wuxuu hadana xilka
ku wareejiyay si nabad ah, wuxuuna wareejiyay Dad mid ah iyo Waddan mid ah sannadkii 2010-kii isagoo ku wareejiyay Xukuumaddii Kulmiye, 3-jeer in ka badan ayuu tanaasulay, doorashadii shirgudoonka Wakiilda ee 2005, Guurti uu hoggaaminayay Alle hawnaxariiste Xaji Cabdi Waraabe ayaa ka garnaqay waanu aqblay go’aankii Odayaasha iyo wax garadka, Doorashadii Madaxweynaha ee Axmed Siilaanyo Madaxweynaha ku noqday oo uu ogalaaday in laga soo hormariyo doorashadii degaanka, isagoo aqblay in doorashadii degaanka iyo ururada oo ka soo horraysay ta Madaxtooyada dib loo dhigo lana soo hormariyo ta danbaysa ee Madaxtooyada, markii ay Xisbigiisu qadaceen guushi Kulmiye ee doorashadii 26-June 2010-kii, gaar ahaan Xoghayihii guud ee Xisbiga UDUB iyo Alle hawnaxariiste Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Cismaan Hinde) oo sheegay in aan laga guulaysan, waxa markiiba hadlay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo sheegay in isaga iyo Xisbigiisa laga guulaystay. . Maanta wuxuu jooga Somaliland markaad eegto siday wax u socdaan hoggaamintii Daahir Rayaale Kaahin maxaad ku tilmaami lahayd??.
Muniir Axmed Cigaal.
May be an image of 1 person