Dhibaatada Soomaalida ka haysata Hyderabad India:

Qaybta 2aad.

Dhibaatada gacanta saddexaad.

Arrinta kale ee qabsata dadka soomaaliyeed ka hor intaaney tegin india waa dhibaato ay u geystaan dad soomaaliyeed oo si naxariis darro ah u dhibaateeya dadkaas qaybo badan oo ka mid ah, weliba dadka ku cusub socdaalada iyo dadka aan aqoon luqadda Englisha iyo weliba dad kale oo ah dadka loo yaqaan (vulnerable people) ama dadka u nugul dhibattada ee garab istaagga uga baahan si ay hawlahooda u maareeyaan.

Dadkaas qaarkood waxay la xidhiidhaan xarumaha socdaalka (Travel agencies) ee waddamada somaliland, somaliya, somali kilil iyo nairobi waxayna siiyaan telefonno iyo emaillo dad cadow ah oo jooga INDIA kuwaasoo ay ugu sheegaan iney caawinayaan.

Waxaa loo sheegaa in markay INDIA tagaan oo u turjumayaan,ay guri usii kireynayaan, Airportiga ka qaadayaan Isbitaallada gaynayaan wax kasta dhag iyo dhag looga dhigayo taasoo 90% been iyo IIMAAN LA-AAN, ciil iyo murugo ku dhacda qofkii xanuunsanayay kusoo dhammaata taasoo kusii kordhisa dhibtii awalba haysatey.

Dadkaas dadka lagu hagaajinayaa waa dad meesha jaamacado kaga jira oo aan badnayn iyo qaar muddo joogay india oo qaxoontinnimo ku jooga oo iyaga qudhoodu aan tiro badnayn oo soomaali ah.

Dhibaatooyinka dadkaasi u geystaan dadka xanuunsanaya ee soomaaliyeed waa tiro badan yihiin waxaan ka xusi karnaa:

1. Qofka marka uu soomaaliya iyo dhulka soomaalidu degto kala soo xidhiidho waxay ka dalbaan inuu lacag soo diro oo ay guri usii kireynayaan waxay saartaan lacag qayrul-macquul ah.

2. Dadka qaar waxay u sheegaan iney Hospital xanuunkiisa qaabbilsan usii BOOKIN-gareeyeen oo lacagta uu soo diro qayb ama kulligeed, dadka qaar ayaa ka aqbala oo u dira. Xaqiiqda jirtaa waa in lacagta qofka xanuunsanaya aaney wada gaadhin xarumaha caafimaadka marka gacanta dillaalkaas saddexaad ay ku dhacdo.

3. Dillaaliinta gacanta saddexaad xanuun kasta oo qofka soomaaliga ahi ka cabanaya Isbitaalada ay ku xidhayaan waxay ka samaysteen arrin xaaraan ku ah nidaamka shaqada oo denbi weyn ah haddii dawladda INDIA ogaato taasoo ah in saami go,an laga siiyo calaa qof sida qof kasta oo uu keeno in $500 shan boqol oo dollar ama saddex boqol oo doollar loo jaro dilaalka.

Marka xaalku halkaas marayo dadkii waxay ula dhaqmayaan sidii xoolo lasoo joojiyey sayladaha xoolaha lagu kala gato, qofkan dillaalka ahina markuu qofkii bukay lacagta ka taabsado dib uguma soo noqdo haddii aan lacag kale bukaankii ballanqaadin.

La soco …………..

Yuntani Gimma

yuntanigimma@gmail.com

HALKAN KA AKHRI QAYBTII KOOWAAD GUJI HALKANI