Writen by Qaran News |

Dhibaatada Sicir bararka, doorka ganacsatada iyo sida looga bixi karo.

Hadii aan si kooban uga hadlo macnaha ereyga sicir barar waa sare ukac weyn oo ku yimaada qiimaha noocyada kala duwan ee adeegyada bulshadu isticmaasho sida maceeshada noocyadeeda kala duwan, shidaalka iyo badeecadaha kale ee lagama maarmaanka u ah nolol maalmeedka bulshada.
Marka hore haddaynnu eegno waxa sababa sixir bararka waxaynu kasoo qaadan karnaa laba qodob oo muhiim ah.
Mid ku timaada xaga lacagta dalku isticmaalo taasoo keenta in lacagtu qiima dhacdo, qiima la, aantaas lacagtuna waxay katimaadaa iyadoo dalku daabacdo lacag cusub oo tira badan taasoo si too ah usoo gasha suuqa islamarkaana Lacagtaas aan xadka lahayn ee soo gelaysa suuqa waxay sababysaa hoos udhac weyn inuu ku yimaado lacagtii dalka islamarkaana waxay fursad unoqotaa sare ukac ku yimaada lacagaha qalaad ee sidoo kale dalka laga isticmaalo.
Arrinta labaad waa mid ka timaada xaga badeecada dalka debeda kasoo gelaya ee aan ahayn kuwa ka imanaya gudaha dalka.
Hadaba haddaan labadaasi qodob tusaale ugu soo qaato dhibaatada sixir barar ee ka jirta dalka Somaliland waxaynu arki karnaa in midka dhibaatada ugu badan sababay waqti xaadirkani uu yahay qodobka 2aad.
Somaliland waa dal ku yaalla geeska afrika kaasoo leh maamul dhammaystiran, xuduudo iyo lacag ugaar ah. walow lacagta Somaliland ay kala simantahay lacagaha kale ee wadamada geeska afrika iyo wadamo badan oo caalamka ahba in aanay aqoonsanayn hay,adaha caalamiga ah sida worldbank iyo IMFtuba hadana waxay ku guulaysatay in ay noqoto lacag tayo leh oo la jaanqaadi karta isbadallada ku yimaada qiimaha lacagaha qalaad hase ahaatee dawladda Somaliland waqti xaadirkan masoo daabacan lacag cusub oo loo aaneeyo inay sababto sixir bararka iyo qiima dhac ku yimaada lacagta dalka
Sidaasi oo ay tahay haddana bulshad Somaliland waxa dhowaanahanba saamayn weyn ku yeeshay sixir barar baahsan kaasoo kaga imanayey dhawr jiho haday noqoto qiimo dhac ku yimi lacagta shilinka Somaliland iyo haday tahay mid katimi sare ukac ku yimaadda qiimaha badeecadaha dalka debeda kasoo galaba. Qiima dhaca lacagta shilinka Somaliland wuxu sababay in lacagtii dalku waxba qiima ah yeelan weydo islamarkaana uu awood yeesho qiimaha lacagta dolarku taas oo ah lacagta labaad ee bulshadu sida weyn u isticmaasho. Haddaba qiima dhaca shilinka Somaliland wuxu si weyn saamayn ugu yeeshay nolosha dadka danyarta ah ee inta badan aan debeda wax dhaqaale ahi uga iman arintaasi waxay keentay in intabadan dawlada Somaliland lagu dhaliilo wax kaqabad la, aanta hoos udhaca ku yimi lacagta dalka.
Dedaallo badan oo uu sameeyey baanka Somaliland wuxu ku guulaystay inuu hoos udhigo qiimaha Dollarka islamarkaana uu sare uqaado qiimaha shilinka Somaliland taasoo ay siweyn usoo dhaweeyeen bulshada Somaliland maadama oo ay u arkayeen in hadii uu qiima yeesho shilinka Somaliland sidoo kale hoos udhac uu ku imandoono maciishadaha iyo badeecadaha kala duwan ee bulshadu isticmaasho balse taasi ma aysan dhicin waxaana si toos ah u caddaatay in doorkii ganacsatadu uu gebi ahaanba meesha kabaxay maxaa yeelay markii uu qiimaha dolarku uu sare ukacsanaa ganacsatadu waxay bulshada wax kaga iibin jireen lacagta dolarka maanta oo dolarkii hoos udhacayna waxay wax ku iibinayaan lacagtii shilinka Somaliland taas oo aanay waxba iska bedelin qiimihii ay markii hore wax ku iibinayeen. Tusaale ahaan markii dolarku kacsanaa halkii shay ee lagu iibin jirey $50 qiimihiisu wuxu ahaa 500,000 SLSH. 50 kii dolar qiimihiisii maanta waa 400,000 SLSH, balse waxba iskama bedelin qiimihii alaabtu shaygaasi halkii qiimihiisu ka ahaan lahaa 400,000 waxay ku iibinayaan 500,000 iyagoo marwalba ka eegaya wixii iyaga dani ugu jirto oo qudha arrintaasina waa mid ay ku ceebaysantahay dawladdu maadaama ay maarayn kari wayday dhibaatada ganacsatadu ku hayso bulshada danyarta ah.
Hadaan soo koobo maxaa lagaga bixi karaa dhibaatadaasi sixir barar ee daashadey bulshada Somaliland bal aynnu eego afartaa qodob ee muhiimka ah.
Waa in xukuumadu fiiro dhow u yeelataa isla mar ahaantaana baadhitaan iyo ukuurgal ku samaysaa badeecadaha ganacsatadu dalka soo gelineyso iyadoo u eegaysa qiimaha ay kaga soo dhoofsadaan dalalka laga soo dhoofinayo alaabta iyo ta ay ku iibinayaan ganacsatadu inay isu dhigmi karaan marka laga reebo cashuuraha ku waajibey.
In dawladdu ay cadaadis saarto isla mar ahaantaana wadatashi kala yeelato ganacsatada dalka sidii la isu waafajin lahaa isbadallada qiimaha lacagta somaliland iyo qiimaha badeecaduhu hadba heerka ay marayaan si lacagta qaranku u noqoto lacag qiimaheeda la dareemo bulshadana faa,iido weyn uleh.
In wasaaradda ganacsigu xidhiidh joogto ah layeelato maamulka iyo ururka ganacsatada si loo hubiyo inay fulaan arrimaha lagu heshiiyaa isla mar ahaantaana wasaaraddu ku samayso kormeer joogto ah suuqyada ganacsiga dalka oo dhan.
In dawladda Somaliland iyadoo u xilsaaraysa wasaaradda beeraha ay dardar geliso isla mar ahaantaana gacan kusiiso beeralayda dalka inay badiyaan waxsoosaarkooda si looga maarmo cuntooyinka iyo maciishadaha kale ee ka imanaya dalka dibaddiisa si bulshadu uga maaranto maciishadaha qaaliga ah fursadna u siiyaan beeralayda dalku inay suuq u helaan waxsoosaarkooda.

By: Ibrahim Abdi Dirir
dhaqaalayahan