Writen by Qaran News |

Dhiraandhirrin -caqli iyo caqiido– haddaanad soo jeed ku akhriyi karin adiga kuuma qorin walaal.
{إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَذِكْرَىٰ لِمَن كَانَ لَهُ قَلْبٌ أَوْ أَلْقَى السَّمْعَ وَهُوَ شَهِيدٌ} ق:37

Inkasta oo caqligu yahay dheef Alle noolaha wada siiyey, haddana Aadmiga waxa la siiyey garasho ka korran tan la siiyay xayawaannada kale.

Asal ahaan caqliga waxa uu Alle u bixiyey in nooluhu noloshiisa ku maareeyo, oo uu waxa waxtarka u leh iyo waxa dhibta u leh ku kala sooco oo ku kala doorto.
Aadmiga iyaga oo caqliga la wada siiyey, ayay haddana sii kala garasho roon yihiin.

Nebiyadu waa kuwa Aadmiga oo dhan ugu garashada wacan, sidaa awgeed ayaa loogu soo dejiyey Waxyiga si ay dadka kale u tacliimiyaan oo danahooda dhow iyo kuwa fogba ugu hagaan.
Sidaa oo kale cidda ugu mudan ee Anbiyada raacday waa dadkii garasho iyo daacad ahaanba ku soo xigay, waxa ay ahaayeen dadkii awood-faham u yeeshay waxa ay Anbiyadu xambaarsanyihiin, iyagana culimada ayaa ugu sii mudan oo dhaxalkii Rususha inoo sida.

Sidaa awgeed, ayaad Qur’aanka ku arkaysaa in ay aad ugu badantahay in dadka raacay hanuunku ay yihiin kuwa dhab ahaan caqligooda u adeegsaday ee fahmay ujeeddada nolosha iyo risaalada Anbiyada.

Taa hore beddelkeedana Qur’aanka waxa aad ku arkaysaa iyada oo inta badan lagu ceebaynayo kuwa xaqa diiday garasho xumo iyo aragti gaabni iyo weliba in aanay caqligooda adeegsan oo fekerin, ma dhicin mana dhici doonto in caqli badni lagu baadiyoobo, taa beddelkeedase waynnu aragnay.

Waxa la yaab leh oo isweyddiin mudan, dhammaan Anbiyada Alle soo diray dadkii sida adag uga horyimi waxa ay ahaayeen dadkii madaxda u ahaa bulshooyinkii Anbiyada loo soo diray ee mudanta bulshada loo yaqaannay, waana kuwa mar walba caqabadda ku ah xaqa!

Su’aashu waxa weeye: “Kuwaas ma waxa garasho dhaamay masaakiinta Anbiyad rumeeyey ee raacday”?
Waa isweyddiin mudan in aynnu jawaabteeda laba qodob ku soo koobno:
1) Had iyo jeer masaalixda dunida inteeda ugu badan laguma xaqiijiyo garasho badni iyo akhlaaq wanaag- Inteeda ugu badan ayaynnu nidhi- ee waxa lagu gaadhaa xirfad, isdabamarin, makri iyo khiyaano, sidaa awgeed ayuu inta badan Qur’aanku ku sifeeyey madaxyo weyntii xaqa ka horyimi kuwo ku takhasusay dhagarta iyo harowsiga bulshooyinka, Fircoon ayaana tusaale inoogu filan sida uu Qur’aanku inoo tusmeeyey.

2) Dadka madaxda ahi inta badan waxa ay ilaashadaan dano, cidkasta oo ay u arkaan in ay danahoodaas dhantaalayaanna way la collaytamaan, xataa iyaga oo og waxaasi in uu xaq yahay, ayay damacooda gaarka ah u laba dibleeyaan garashadooda, taa macnaheedu waxa weeye garashadoodii fiicnayd waxa wasakheeya oo xumeeya damacooda, kaasoo u diida raacitaanka xaqa iyo dhaqangelinta caddaaladda.

Taa waxa la mid ah in dulmi badan oo awood dawladeed ama mid dhaqaale lagu galo aanay sababteedu ahayn oo keliya garasho xumo, ee ay tahay dhaqan xumo, isla weyni iyo dhagar lagu doonayo in dulmiga lagu waardiyeeyo.
Gundhigga macnaha aynnu doonaynno in aynnu sugnaa waxa weeye: Dulmi kasta oo caddaaladda laga fogeeyey, diidmo kasta oo xaqa lagu dadafeeyey waxa ka danbeeya oo keliya:
1) Garasho xumo ama
2) Dhaqan xumo damac huwan.

Waa labada arrimood ee aayaddani cabbirtay ISLAWEYNI iyo FASAHAADIN.
{وَجَحَدُوا بِهَا وَاسْتَيْقَنَتْهَا أَنفُسُهُمْ ظُلْمًا وَعُلُوًّا ۚ فَانظُرْ كَيْفَ كَانَ عَاقِبَةُ الْمُفْسِدِينَ}النمل 14
“Way ka dhega adeygeen –xaqa-iyaga oo ay nahafoodu yaqiinsanyihiin, isla weyni awgeed, eeg cidhib- xumada- mufsidiinta”

Cidda keliya ee darajada sare Aakhiro helaysaana waa cidda labadaa sifo ka badbaadday Adduunyada:
{تلْكَ الدَّارُ الْآخِرَةُ نَجْعَلُهَا لِلَّذِينَ لَا يُرِيدُونَ عُلُوًّا فِي الْأَرْضِ وَلَا فَسَادًا ۚ وَالْعَاقِبَةُ لِلْمُتَّقِينَ} القصص:83
“Taasi waa jannadii, waxa aannu siinaynaa kuwa aan dhulka guudkiisa isla weyni iyo fasahaadin la doonayn, dhibibta san ee danbena waxa iska leh kuwa Alle ka cabsada”

Musuqa hantida dadweynuhu waa fasahaadin, duridda caqiidada ummadduna waa fasahaadin, kuwa ku hawllanina waa mufsidiin.

Alle ha innaga yeelo kuwa isaga keligii ka cabsada, aan xaqa iska weyneynin, dhulkana fasahaadin, ee Jannada sare dhaxla – Aamiin.

Dr-Abdulqani Hussein Beder

Image may contain: one or more people, beard and hat