Digniin Amni oo ay soo saartay Hayad Caalamiya oo ka Hawlgasha Somaliland+Xafiisyadoodii oo ay Albaabada u laabeen & Shaqaalahoodii oo lagu amray inay Guryaha ku shaqeeyaan.

Qoraal ay soo saartay hay’adda amniga ee Qaramada Midoobay ee magaceeda loo soo gaabiyo UNDSS , ayaa lagu sheegay in ciidamada gaar u ah illaalinta xarumaha Qaramada Midoobay ee magacooda loo soo gaabiyo SPU loo qorsheeyay ka hor taga mudaharaadyada la filayo in ay dhacaan maalmaha soo socdo , waxaana ciidan dheeraad ah lagu daad gureeyay gudaha magaalada Hargeysa si ay uga hortagaan mudaharaadka .
Waxa ay arrintan keentay in ay yaraadaan ciidankii ilaalin jiray xarumaha Qaramada Midoobay , iyada oo la tixgelinayo xaaladda iyo ciidamada ilaalin jiray xarumaha Qaramada Midoobay ee la yareeyay wada tashina lala sameeyay xafiiska amniga Qaramada Midoobay ee Hargeysa , waxa la badelay habkii loo shaqayn jiray , iyada oo shaqaaluhu ay bilaabeen 3 bishan August in ay guryaha ku shaqeeyaan illaa ogeysiis dambe soo baxayo .
Dhamaan shaqaalaha qaramada Midoobay ee fariinta loo diray waa la siiyay tilmaamo ay talooyiun
1- in ay feejignadan ,oo ay dib u eegaan talo bixinta Amaanka
In ay la socdaan diigniinta amaanka ee ugu danbaysay ee ay bixisay hayada undss ee ay soo marisay habka electronic ah ,sida ogaysiisyada iyo talooyinka amni ee uu soo saaray xafiiska amniga qaramada midoobay ee hargeysa.
May be an image of text