Waxaa la bixiyay digniino ku saabsan suuragalnimada in duullimaadyo la baajiyo ama dib u dhac ku yimaado caalamka oo dhan, kaddib markii shirkadda Yurub ee Airbus ay Jimcihii ku dhawaaqday inay amar ku bixisay in si degdeg ah loo dayactiro 6,000 oo kamid ah diyaaradaha A320 ee sida weyn loo isticmaalo.

Tani waa mid ka mid ah dib-u-celintii ugu ballaarneyd ee Airbus sameyso tan iyo markii la aas-aasay 55 sano ka hor. Waxayna dhacaysaa dhowr toddobaad kaddib markii A320 ay noqotay diyaaradda ugu badan ee la soo saaro oo ka badatay Boeing 737.

Markii Airbus soo saartay awaamiirteeda, waxaa hawada ku jiray ku dhowaad saddex kun oo diyaaradaha A320 ah.

Sida ku xusan warbixin loo diray shirkadaha duullimaadyada, hagaajintu asal ahaan waxay ku saabsan tahay in dib loogu laabto nooc hore oo software-ka ah, waxaana lagama maarmaan ah in la hirgeliyo ka hor inta aan diyaaradaha mar kale aaney duulin.

Hay’adda duulista hawada ee UK-ga ayaa ku dhawaaqday in cusboonaysiinta la samaynayo ay u badan tahay inay keento “qalqal iyo duulimaadyo la baajiyo”.

Xoghayaha Gaadiidka Britain, Heidi Alexander, ayaa sheegtay in dib-u-yeerista diyaaradaha Airbus A320 uusan saamayn weyn ku yeelan doonin shirkadaha diyaaradaha ee UK.

Waxay warbixin ku sheegtay: “Warka wanaagsan waa in saamaynta ay ku yeelanayso shirkadaha diyaaradaha Britain ay muuqato inay kooban tahay

Arrintani waxay khatar ugu jirtaa inay keento carqaladayn xilli lagu jiro fasaxa ugu mashquulka badan ee safarrada.

American Airlines — oo ah shirkadda ugu weyn dunida ee isticmaasha A320 — ayaa sheegtay in qiyaastii 340 ka mid ah 480-keeda A320 ay u baahan doonaan dayactir.

Waxay intaas ku dartay inay filayso in dayactirkan lagu soo afjaro Sabtida maanta ah, mid kasta oo diyaaradaha ka mid ahna uu qaadan doono qiyaastii laba saacadood.

Shirkado kale ayaa sheegay inay si kooban u joojin doonaan adeegsigooda si dayactirka loo sameeyo, kuwaas oo ay ka mid yihiin Lufthansa ee Jarmalka, IndiGo ee Hindiya, iyo EasyJet.

Shirkadda diyaaradaha ee Colombia Avianca ayaa sheegtay in dib-u-yeeristu saamaysay in ka badan 70% diyaaradooda — qiyaastii 100 diyaaradood — taas oo keenaysa carqalad weyn 10ka maalmood ee soo socda, isla markaana ku qasabtay shirkadda inay joojiso iibinta tigidhada ilaa 8-da December.

Air New Zealand ayaa qoraal ay soo dhigtay barxadda X, ku sheegtay in dhammaan diyaaradaha A320neo lagu sameyn doono cusboonaysiin software ah ka hor duulimaadkooda xiga ee rakaabka, taas oo keeni doonta dib-u-dhacyo iyo baaqasho qaar ka mid ah duulimaadyadooda.

Waxaa dunida ka shaqeeya qiyaastii 11,300 diyaaradood oo ka tirsan bahda A320.

Afhayeen u hadlay Airbus ayaa qiyaasay in dayactirku saameyn doona ku dhowaad 6,000 oo diyaaradood.

Qiyaastii 900 oo diyaaradood oo ka mid ah noocyada duugga ah ayaa u baahan doona in kombuyuutarradooda la beddelo, mana loo oggolaan doono inay rakaab qaadaan ilaa shaqadaas la dhameeyo.

Muddada ay qaadanayso arrintani waxay ku xirnaan doontaa helitaanka kombuyuutarro kale oo lagu beddeli karo.

Sida ay sheegeen ilo war-shadaha ka tirsan, dayactirka wuxuu sababi doonaa hakad kooban, maadaama shirkadaha diyaaradaha ay ku laaban doonaan noocii hore ee software-ka.

Airbus waxay sheegtay in dhacdo dhowaan ay ku lug lahayd mid ka mid ah diyaaradaha A320 ay muujisay in iftiinka qorraxdu uu dhaawici karo xog muhiim ah oo ku saabsan nidaamyada xakamaynta duulista.

Ilo-wareedyo ayaa sheegay in dhacdada keentay dayactirka degdegga ah ay ahayd duulimaad JetBlue oo ka yimid Mexico kuna socday New Jersey Oktoobar 30, kaas oo dhowr rakaab ah ku dhaawacmeen kadib markii diyaaraddu si kedis ah hoos ugu dhacday.

Duulimaadkaas ayaa ku qasbanaaday si degdeg ah loogu dajiyo gobolka Florida kadib dhibaato ku timid xakamaynta duulista iyo hoos-u-dhac lama filaanka ah oo aan la oggolayn, taas oo keentay in Hay’adda Duulista Hawada ee Maraykanka ay bilowdo baaritaan.

Hay’adda Ammaanka Duulista Hawada ee Midowga Yurub ayaa soo saartay amar degdeg ah fiidnimadii Jimcaha kaas oo faraya in la sameeyo dayactir, waxaana la filayaa in Hay’adda Duulista Hawada ee Maraykankuna ay raacdo.

Ilo wareedku waxay sheegeen in hakadka ku meel-gaarka ah ee duulimaadyada loogu sameynayo dayactirka qaar ka mid ah shirkadaha diyaaradaha uu noqon karo mid aad u dheeraada, maadaama in ka badan kun ka mid ah diyaaradaha laga yaabo in arrintaan ay samaeyso iyo in sidoo kale loo baahdo in qalabkooda la beddelo.

Bbcsomali