Writen by Qaran News |

1439 sanadood ka hor waxaa jasiirada carabta ka soo baxay if iyo nuur waxaa ka dhashay oo laga soo saaray nabi iyo rasuul ilaahay soo diray wuxuu ku abtirsanayay qabaailkii carabta ugu magaca waynaa oo wuxuu ahaa qurayshi waliba haashimi waqtigaas waxaa catabi ku sugnayd mugdi iyo diin la,aan waxanay joogayn xiligii lagu magacaabi jitay samankii jahliga ee carabta waayo waxay caabudi jireen asnaam ka samaysan dhagxaan dhoobo iyo qaar ay ka samaysan jireen timir ay kuus kuuseen oo marka hore waxay u ahayeen ilaah ay u sujuudaan oo baryaan siday u baryaan ee u caabudayaan ayay gaajo qaban jirtay oo uu nin kii carabka ahaa uu ilaahiisii dheg ama lug goosan jirtay halkaa ilahii dhoobada uu ka samaustay waa laangadhe ama waa dhag jar .
Way is dili jireen waxay u dagaalami jireen reer labadii reer isugu dhow na waxaa ka dhexayaay colaad gaamurtay oo waxay u ahayd sanadkii in ay isu baanayaan oo gabayo isugu faanayaan iyo mar ay seefta iyo waranka isla dhex galaan oo birta iska aslaan .
Sidoo kale waxaa u kala soocnaa caruurta ay dhalaan oo inamada way ku farxi jireen oo damashaad iyo faantaastiya ayay samayn jireen halka hablaha ay ka naxi jireen qabar ku habsan jiray odayga gabadhi u dhalato isla marka ay maalmo jirtana waxay u qodi jireen xabaal bilaash aan iil loo duwin markaas ayaa gabadhiisii yarayd oo gadhkiisa faraha ku feedhfeedhaysa ayuu xabaal bartanka u dhigi oo ciida ku hamsiin jiray yadoo nool oo qoslaysa .
Yadoo halkaa xaalkoodu maraayo ayaa ilahay ka soo saaray nabigiisii maxamed ina cabdilahi wuxuu siday oo xanbaarsanaa risaalo ka dhamaystiran xag walba oo taabanaysa dhan walba oo nolosha ka mid ah waxay xarimaysay dhamaan xumaantii ay carabi ku dhaqmaysay wuxu ku yeedhaayay in laga tago shirkiga oo ilaahay keligii la caabudo lagana tago caabudaada asnaamta aan dhib iyo dheeftoona aaan u gaysanayn ee aan hadii lala hadlana aan jawaabayn kadibna way diideen diidmo qayaxan laakin muu dayn ee wuxuu cel celinay mudo ku yeedhida towxiidka ilaa markii danbe lagu bilaabay dagaal lagaga hor tagayo diinta ilaahay yadoo markii danbe gaadhay in laysugu yimaado naadigii odayadii quraysheed ku tashan jireen oo kaga tashanayeen arimaha nabiga shirkaa waxaa goor horeba iska soo xaadiriyay iblays oo ah odayga shayaadiinta waanu taliyay waxaanu ku taliyay in la dilo nabi maxamed hadii kale na laga dooni doono meelo fog ilaahaybaa ka qariyay oo wuu bad baaday waanu baxsaday u hijrooday xagaa iyo madiina oo reero kale oo carbayd deganaayeen hijradaa waxaa horaysay hijro kale oo mabigii iyo saxaabadiisii tirida yarayd ay u adkaysan waayeen dhibtii fataha badnayd ee lagu hayay ay goosteen inay hijroodaan waxaana hogaaminayey saxabigii waynaa nabigu sodoga u ahaa cusmaan ina cafaan, waxaanay goosteen inay u baxaan xagaaa iyo bariga afrika oo lagu sheegay boqor caadil ah oo ka madax ahaa boqortooyadii berigaa dhulkan ka talin jirtay ee la odhan jiray boqortooyadii xabasha oo somaliduna hoos iman jirtay waxay la soo talaabeen gacanka cadmeed waxanay ka soo degeen xeebaha somalida halkaa waxay kula kulmeen dadkii halkaa degenaa ee somalida ahaa yagoo usoo bandhigay ugana qisooday diinta ilahay soo dejiyay iyo nabiga maxamed ah ee ilahay u soo dhiibay waxay wuxuu dadka farayo iyo wuxuu ka reebaayo iyo waajibaadka ilaahay kadibna dadkii somaliyeed yagoo aan midig iyo bidix toona eegin ayay hal haleel u qaateen diintaa ilahay ee cusub waanay ku dhaqmeen dhamaanteed yagoon nabiga diinta lagu soo dejiyay ee maxamed csw aan arag oo aanu hor iman oo aanu ka dhalan oo aanu somali ahayn , quraanka lagu soo dejiyay aanu somali ku qornayn oo dhulka waxyiga lagu soo dejiyay aanu somaliya aanu ahayn isla markaana cida fariinta iyo diinta soo gaadhsiisay aanay somali yaga ka mid ah ahayn ee ay yihiin carab .
Saxabadii waxay ku noqotay gayigii carbayd ee ay markii hore ka haajireen yagoo diintii ilahay ku faafiyay dhulka somalida oo dhan bilaa mashaqa ama yagoo wax dhib ah ama dagaal la kulmin waxay ku noqdeen yadoo dagaalkii lagu hayay nebigii ilaahay iyo saxabadii la joogtay uu sii labanlaabmay oo lagu hayo faro baas markay mudo joogeen waxaa u suurto gashay in yaguna dagaal kala hortagaan cid walba oo ka oo horjeeda nebiga iyo diinta ilaahay oo ay ugu horeeyeen nebiga adeeradiisii ugu dhawaa ee abihii la dhalatay sida cumar binu abii mudalib oo loo yiqiin abii jahal kadib waxaa nabigii maxamed iyo saxabadiisii iyo gaaladii carbayd oo dhan dhexaray dagaalo lagu hoobtay oo ay ku idlaadeen qoorwayntii quraysheed oo miyaan maalik binu cawf ,cutba binu maaliik iyo sadex ay walaalo yihiin iyo waliba 70 kale oo abi jahal ku jiro maalin lays dul dhigin miyaan dhanka saxabadana dhowr iyo toban uu asadu laahi ku jiro maalin aanay shahiidin hadaba maxay ku dagaalamayeen u dhinteen
Waxay u dhinteen in la ogaysiiyo ama ay cid ogaysiiyaan diintii ilahay yagoo sida la wada ogyahay ay yihiin carab oo nabiga ay diidan yihiin uu carab inaadeer kood ah yahay yagoo yaqaana oo ilaa yaraan tiisii arkayay oo ula baxay maxamed aamiin yadoo luqadooda carabiga quraankii uu akhriyaay ku soo degayay yadoo dhulkooda la barakeeyey oo waxyigu ku soo degayay yadoo aan cid kale u iman .
Hadaba somalideenii ku soo noqo ilaa maalintaa ilaa maantavdiintii islaamka ee berigaa soo gaadhay ayay kubdhegan yihiin oo cid kasta oo isku daydaa aanay doorin karaynin inkasta oo ay soo martay maraaxil aad u fara badad
Waxay ka faaiidaysatay burburkii boqortooyinkii umawayiinta iyo cusmaaniyiinta oo mid walba markii ay bur burtay waxaa soo gaadhayay culimo xaambaarsan kutub iyo cilmi oo soo baxsaday kuwaas oo qaarkood ku farcameen dhulka somalida ka dib markii ay guur sadeen dumar ka mid ah dadkii dhulka deganaa
Waxay xidhiidh dhow la lahayeen carabta oobisugu jiray mid diimewd iyo mid gamacsi waxaa soo gaadhay madaahibtii culimada ee afarta ahaa dad kala taabacsan ha ugu aii buurnaato madhabta shaaficiyada oo somalida aad ugu tadabucday intaa kadib waxaa ku soo fiday firqada suufiyada oo shaaficiya ku abtirsata taasoo aad ugu fiday yadoo lagu eedeyo inay ku jirto bitcooyin fara badan sida in qubuuraha lagu dul dawaafo yadoo laga dalbayo ajar iyo cibaado oo la siyaaranayo sheikhyo beri hore dhintay laakiin waayadii danbe waxaa dalka somaliya iyo guud ahaan dhulka somalida ku soo fiday oo intii badnayd culimadii somalida oo markii hore wada ahaa suufiyabay imika isu wada bedeleen kuwa ka dab qaata asalkii sunada nabiga oo ka soo hor jeeda bidica oo markii hore ka soo dab qaatay sheikhii ka soo baxay ardu najad ama sucuudiga ee maxamed ibnu cabdiwahaab laakin waqtigan la joogo ka soo kala aroora dalal badan oo dhowr ah
Qaar waxay wali ka soo dab qaataan oo afkaarta soo waaridaan ileen diin cusub oo ay ka soo qaadaan ma jirteen sucuudiga oo waxay ku ololeyaan in aan dowladaha la fara galin oo waliyi amriga laga hor iman siyaasadana la galin ee dadka wax la bar uun oo cilmiga diinta laga haqabtiro
Kuwa kale waxay ka soo dhaan sadaan masar oo xambaarsan yihiin afkaar halkaa ka abuuran tay oo ah in xukun si walba oo la kari karo lagu gaadho oo hadii dimuquraadiyad la helo lagu dhaqmo hadii milatary lagu gaadhayo lagu lagu koro hadii shuuro iyobwadabtashi lagu gaadhayayo lagu koro kasibna dadka diinta lagu xukumo
Nimana waxay ka soo jeedaan oo dabada ku hayaan pakistaan waxay door bidaan oo kali ah dacwada oo way u socdaan inay dadka shacabka ah iyo umarada haday gaadhaan inay ku baraarujiyaan ku dhaqanka shareecada ilaahay yagoo u target gareeya qof qof gaarvahaan ku qafladaysan ee nolosha ka dhaca sida kuwa balwaduhu jideen ee la goosteen kuwa aduun yada isku ilaaway .
Qolo kale waxay aaminsan yihiin qoriga oo qudha inay wax ku hir galiyaan waxay ka soo hor jeedaan xuduudaha waxay wadaan dagaal ay yagu ugu yeedhayaan jahaad hadana waxay intaa laynayaan muslimiin waxay xidhiidh dhow la leeyihiin wadamada waawayn ee caalamka fara fareeya sida maraykanka oo ku fushada danaha ay ka leeyihiin yagu wadan kaliya kuma koobna dalkii la doonayo in la bur buriyaba waxay u gali karaan si fudud waxay ka dagalamaan wadamo dhowr ah sida somaliya afganistan yemen nigeria ciraaq iyo suuriya waxa lagala shaqeeyaa xaga sirdoonka iyo macniwiyaadka oo waxaa jira weeraro waawayn oo yaga ka awood sareeya oo aanay samayn karin oo ay fuliyaan hayadaha sirdoonka wadamadaa sida kuwa maraykanka oo kadibna yaga lagu magacaabo yaguna sheegtaan kadibna dadka ku nool dhulal ka ay haystaan iyo kuwa ku xeeran ayay ku baqdin galiyaan kuwa somalida waa ka qayb waliba dhibta somaliya lagu hayo kuwa loo hiishadaa waa yaga haday tahay amni daradan lagu maxaafsanayo ee qaramada midoobay haday tahay ciidamadan sheesheeye ee dalka iska hogamaya yagoon aan waxba qabanayn aan ahayn kufsiga waxma haysata macalushu ku soo ururisay xeryaha muqdisho ee la soo dejiyay meel u dhow xeryaha ciidamadaa iyo haday tahay qaraxyadan dadkii lagu madhiyay ee anay warba ka hayn nimankan lagu eedaynayaa.
Waxaa jira qolo aan sidaa u buurnayn oo aaminsan in dadka somaliyeedba yihiin gaalo aan diinba ku dhalan oo garaca waxay dadka faraan in ay shahadada dib u qabsadaan waxaa la yidhaahdaa takfiiriyiin yaguna waxay ka yimadaan masar
Hadaba shacabkii somaliyeed xagii culimada waxaa ka haysta kaahwareer wayn mid waliba wuxuu soo xambaarayaa afkaar nin uu ku qoray risaalo taasoo uu kaga sheekaynayo masalo meel ka taagan oo firqadiisu qabto dalkuu masaajidada muxaadiro isla.taagayaa wuxuu marinayaa aayado iyo axaadiis kadibna mid kale oo dhagaysanayay ayaa muxaadiro tii uu ku radinayo kala kacaya masaajid firqadiisu haysato wuxuu akhriyayaa isla ayadihi iyo axadiistii kii hore akhriyay kadibna dadkii way fahmi waayayaan waxa laysku haysto ileen looma sheegayo dadka caadiga ah halka sartu ka qudhunsan tahay waxaa fahmaysa inyar oo culimkan ku xidhan oo hoos ula socota.
Sida kale culimadu way dadaashaa intaa dadka diinta u dhigayaan madaarista quraanku way camarin yihiin waxay soo saarayaan dad baraarugsan dadka way uga digayaan khurafaadka iyo iyo bidcada madaxda way u nasteexaynayaan
Allaa mahad leh
qlinkii:maxamed cabdilahi nur
tell:4258664
email:koomaati@gmail.com