Writen by Qaran News |

Diinta iyo Saynisku ma cadow baa?

Horta waxa la yidhi dadku waa u cadow waxa aanay aqoon ( الناس أعداء لما جهلوا).
Sidaa markay tahay dadku waxay u qaybsameen labo:
1. Qayb saysniska xooga saartay aaminsanna in runta kaligii uun lagu gaadhikaro.
2. Qayb diinta xooga saartay aaminsanna inay kaligeed waxay sheegaysaa run yahay.

Haddaba labdaa kooxood waxaa ka dhexeeya xurguf iyo xafiiltan taariikhiya; oo salka ku haya yaa run sheegaya, yaase khaldan?!!

Labdan qodob waxay sawirayaan kale fikir duwaanshahooda taarikhiga ah:-
1. Dhinaca reer Yurub:
reer yurub waxay soo mareen marxalado kale duwan oo xagga afkaarta ah.
Qarniyaddii dhexe haddaan soo qaadano waxa inta badan talada gacanta ku hayay boqoro iyo wadaadada kinisada oo isbahaystay waxaana dhismay nidaam hanti-goosad ah; oo dadka iyo dhulkaba ay leeyhiin kooxdaa isbahaysatay oo waxna xalaaleeya waxna xaaraantimeeya.

Haddaba sida taariikhda lagu hayo aqoonyahankii waqtigaa ku hawlanaa baadhitaanada Cilmiga sida: Sayniska iyo falsafada waxay markasta qoorta iskula jireen wadaadada kinisada fadhiya oo qaybta ugu wayn ka ahaa dulmiga waqtigaa bulshooyinka haystay, maadama aqoon-yahankaa cilmiga maadiga ah ay sheegayeen waxyaabo ka duwan waxyaabaha kinisada kasoo fulaaya, xoriyad iyo in dadku maskaxdooda furaan ayay ku baaqayeen, wadaada kinisadu waxay u qaadeen caddaawad adag, waxayna ku dirijireen wax-magaratada yagoo ugu sheegi jiray inay diidanyihiin kana horyimaadeen diintii sidaa awgeedna ay yihiin MULXIDIIN ama diin-laawayaal.

Sidaa awgeed rag badan oo ka mid ah aqoon-yahanka maanta taariikhda reer Yurub iyo aduunka ka caan ah waxa loo geestay tacadiyo balaadhan waxaana laga dhigay mid la dilo, mid lamasaafuriyo iyo mid silic u dhinta; xataa qaar ka mid ah ay fatwoodeen inaan la aasi karin.

Haddaba wadaada kinisada iyo aqoon-yahanka cilmiga maadiga ah kuwee baa saxnaa??!

Si aan jawaabta u helno ragga kinisadu maxay aaminsanaayeen maxayse ka shaqayn jireen?!

Si kooban wadaadada kinisada waxay aaminsanaayeen diinta masiixiyada oo ay leeyxiyeen, sida ay rabbaana ay u dhigeen, iyagoo u qaybsanaa kooxo amma maddaahib kala duwan sida:
kuwo aaminsan in Ciise ilaahyahay.
Kuwo aaminsan in ilaahay saddex isku-hal ah yahay.
Iyo kuwo aaminsan in Ciise Ilmo Ilaah yahay.
Waxayna ka sinaayeen in cilmi-baadhayaasha kasoo horjeeda afkaatooda waxay sheegayaan uu kburaafaad yahay.

Shaqo ahaana, waxay ka shaqayn jireen sidii dadka iyo duunyadooduba u noqon lahaayeen adoomo ku jira gacanta boqorka iyo wadaadada kinisada.

Dhinaca kale baadhayaasha cilmiga Maadiga ah maxay aaminsanaayeen maxayse qaban jireen?

Inkasta oo ay kale duwanaayeen haddana waxay ka midaysnaayeen:-
1. In waxan wadaadada kinisadu akhriyaan aanay ahayn wax sax.
2. In aanay macquul ahayn in bulshadu ku hoos noolaato dulmiga huwanta wadaadada kinisada iyo boqorada.
3. Raadinta xaqiiqada iyo raadinta fahamka dhabta ee waxkasta. Qodabkan oo ah ka keenay in ay laftoodu kala aragti duwanaadaan sida xaqiiqdaa lagu gaarayo iyo waxa loo adeegsanayo.

Tusaale: waxa la sheegaa in isxaaq neyuuton uu ka mid ahaa ragga ay isa-seegeen wadaadadaas inkasto aanu isagu ka mid ahayn ragga dhibaatada badan soo gaadhay waayo waxa uu qarin jiray afkaatiisa inta badan iyo kutubtiisa labadaba gaar ahaan xaga caqiidada. Waxa uu na wadaadada ku dhaliilsanaa in aanay suuro-gal ahayn:-
1. In ilaahay saddex isku-hal ah yahay.
2. In Ciise Ilmo ilaah yahay.
3. In Ciise laftiisu ilaah yahay.
4. In waxa wadaadada kinisadu sheegayaan aanu ahay masiixiyadii saxda ahayd.
4. Waxa kale uu aaminsanaa in aanay suuro-gal ahayn in caalamkan bilaa maamul iska socdo.

Arrimahan oo uu arkaayay inay tahay wax mandiqa ka baxsan, balse waa uu eeday, Ragga kinisada waxay ku tilmaameen inuu diin-laawe yahay.

HADDA MA KUU BAXAY SALKA HIRDANKA???!

Hirdankaas xagee ku danbeeyay maxaase ka dhashay?!

Hirdankaas waxa uu kusoo gabogaboobay qodabadan:
1. Kacdoono lagaga soo horjeedo boqotooyooyinka iyo ragga kinisada.
2. In cadaawad loo qaado kinisada.
3. In cilmi- baadhayaashii dhinaca maadiga aragtidoodii faaftay sal ay u noqotay kacdoonka cilmiga iyo horumarka ah ee reer Yurub sameeyeen.
4. In aqoon-yahankii ragga kinisadu cabiidin jireen loo aqoonsaday halyeeyo.
5. Inay soo baxdo fikrada CALMAANIYADA loo bixiyay ee salka ku haysa in noloshu ka xorowdo wadaadada kinisada.
6. In ay guud ahaanba meesha ka baxdo awoodii wadaadada kinisada ee dadka ra’yigooda iyo rabitaankooda diinta, cibaadada iyo waajibka uga dhigijiray.

Gabogabada qaybtan waxay noqonaysaa wadaadada kinisada joogay ee reer Yurub meesha kumay hayn diin diidaysa ama ka hor-imanaysa sayniska ama cilmiga maadiga ah ee waxay u hortaagnaayeen caddawadana ugu hayeen kuwa cilmi-baadhista ku hawlanaa waxay u arkayeen in hawsha ay wadaan aanay iyaga dani ugu jirin, khasaari xooglena ay ku keenayso.
Waana sababta keentay in si xun loo jabiyo.
Waxaana la odhankaraa waxay ku danbeeyeen TUUG LA QABTAY TALO MA LEH.

qodobka labaad waxaan ku eegaynaa cilmi-baadhayaashii muslimiinta ahaa iyo culimadii la waqtiga ahaa waxa ay kala muteen iyo halka ay isla-mareen!
Inaga oo maanka ku hayna in diinta islaamka tahay diin cilmiga dhiirigalisa.
Ka dibna wax-yaabaha khilaafkan abuuraya ayaan soo koobi si aan jawaab ugu helno Diinta iyo saynisku ma cadowbaa???!!

La soco qaybta danbe………..

Mohamed Hussein (Samodoon).

guul-alle1@hotmail.com