Dilka rayidka dadka qaarkii sababta ay u gu faraxsanyihiin, ama aanu micno u la lahayn yaa fahamsan?

 
Saddex dil oo kii Somaliland ee Khamiistii uu u dambeeyay ayaa si gooni ah ii taabtay. In kasta oo dilka dad rayid ah, oo aan waxba galabsan, ay mar walba iyo meel kasta foolxumo weyn tahay, hadana dilalka qaarkood baa saamayn gaar ah I gu yeeshay. Maalintii Khamiistii 11 August wixii Somaliland ka dhacay sida uu ii taabtay, waxa ii taabtay laba dil oo ka horeeyay. Waa dilkii halgamaagii Reer-Falastiin ee Sheekh Axmed-yaasiin, oo isaga oo 70 jir ah, oo curyaan noqday, oo hadalkii ka tegay, ay March 2004kii Israaiil gantaal ku baabiisay isaga oo masjid ka soo baxay. Kaas waxa ii xigay dil-wadareedkii October 2014 dadka badan la gu xasuuqay ee Muqdisho, kan 11 August ee Somaliland baana ii xigay. Runtii caafimaadkayga sadexduba si isu egg ayay wax u yeeleen. Dadka qaar baa hadaba jira, oo waxaas arka, oo ama ku faraxsan, amaba aan dan ka lahayn. Kuwaas maskaxdooda in aan fahmo ayaan is ku dayay, ii ma se suuroobin. Iyaka ayaa mudaharaaday ee bagaa ayaa la laayay, amaba maxay iyaku ka dooneen, amaba weligeed waxaas oo kale waa dhici jireen, iyo wax la jaad ah ayaan maqlay ama qoraalkooda meelahaas ku la kulmay. Dadkaasi waa dameero muuqaal aadmi leh, wax kale oo aan ku sheego na ma garanaayo. Dilka qof shicib ah oo aan hubaysnayn, oo la hubo si kasta oo uu u qayliyo, in uu saacado ka dib gurigiisii is ka tegaayo, waa dambi weyn, waxa ay se la weyntahay uun qofkii damiir leh, kii kale waa dambeer, dambeer na micno ma laha. Nacdal baa dameer iyo wixii la caqli ah ba ku taalla.