Writen by Qaran News |

Diyaarad ka duushay Nairobi oo Soomaaliya shil ku gashay

Diyaarad

Wararka ka imaanaya degmada Ceelwaaq ee gobalka Gedo ayaa sheegay in diyaarad rakaab ah oo ka duushya magaalada Nairobi, ay ka baxday dhabaha ay diyaaraduhu caga dhigtaan (runway) xili ay dooneysay in garoonka degmadaasi ay ku degto.

Inkasta oo aan si dhab ah loo hubin haddana tirada dadka rakaabka ah ee diyaaradda saarnaa ayaa tiradooda lagu sheegay 45 qof.

Wararku waxay intaa ku darayaan in aanu jirin wax khasaare ah oo soo gaaray dadkii rakaabka ahaa ee saarnaa diyaaradda shilka gashay.

Wixii faahfaahin ah la socda.