Diyaarad ku Burburtay Suudaan
Sudan(Qaran)-Diyaarad rayid ah oo nooceedu ahaa Antonov ayaa ku burburtay garoonka Port Sudan ee Dalka Suudaan, halkaasi oo ay ku dhinteen sagaal qof oo ay ku jiraan afar askari oo mileteri ah.
Bayaan ay soo saareen ciidamada Suudaan ayaa lagu sheegay in shilkasi oo ay sababtay cillad farsamo iyadoo oo uu ka badbaaday ilmo yar.
Shilkaan diyaaradeed ayaa yimid 100 maalmood ka dib markii 15-kii bishii April ee la soo dhaafay uu dagaal dhexmaray ciidamada dowladda Suudaan iyo kuwa kale ee la magac baxay Gurmadka deg degga ah .
Magaalada Port Sudan oo dhacda bariga Bada Cas ayaa kamid ah magaalooyinka ay gacanta ku hayaan ciidamada Sudan tan iyo markii uu dagaalku bilowday.
Gegida diyaaradaha ee Port Sudan ayaa ah tan kaliya ee weli ka shaqeysa dalkaasi, waana marin muhiim u ah gargaarka dibadda ee aadka loogu baahan yahay.
Maxaa keenay xal la’aanta dagaalka 100 maalmood jirsaday ee Suudaan
Sudan(Qaran)Dagaalka ka socda Suudaan waxaa ku dhintay ugu yaraan 3000 oo qof sida lagu sheegay qiyaas maxalli ah inkastoo dawlada Sudan ay tiro taas ka duwan sheegtay.-Boqol maalmood ayaa ka soo wareegtay tan iyo markii uu qarxay dagaalka ka socda waddanka Sudan ee u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa ka soo hor jeeda ee loo yaqaano RSF.
Dagaalka ayaa burburiyay caasimadda Khartoum, wuxuuna sidoo kale horseeday barakaca in ka badan sadex milyan oo qof iyo isku dhacyo beeleedyo ka dhacay galbeedka gobolka Darfuur.
Dhanka kale, waxaa dhowr mar guul dareystay isku dayo la doonayay in lagu dhaqan geliyo xabad joojin, welina ma muuqato astaan muujinaysa in mid kamid ah dhinacyada dagaallamaya uu diyaar u yahay wada hadal nabadeed.
Boqolkaas maalmood ee dagaalku socday waxaa ku dhintay 1,136 qof sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Sudan, in kastoo la rumeysan yahay in tiradu intaa aad uga badan tahay.
Labada dhinac ee ku hirdamaya awooda dalka Sudan midkoodna guul muuqata kama gaadhin dagaalkaas.
Ukraine oo Duqeymo ka Geystay Moscow
Moscow(Qaran)-Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn (Drone) ee Ukraine ayaa weeraray dhismooyin ku yaalla caasimadda Ruushka ee Moscow iyo bakhaar hub oo ku yaalla gobolka Crimea ee Ruushku ka goostay Ukraine, waxaa sidaas maanta sheegay saraakiisha Ruushka.
Ruushka ayaa sheegay inay soo rideen laba diyaarad oo soo galay hawada Moscow, iyada oo wax khasaare ah uusan dhicin.
Mid ka mid ah diyaaradaha ayaa ku dhacday meel u dhow xarunta wasaaradda difaaca Ruushka ee badhtamaha caasimadda Moscow, halka diyaaradda kale ay ku dhacday dhisme xafiisyo oo ku yaalla koonfurta Moscow.
Weerarada ayaa yimid maalin kadib markii Kyiv ay wacad ku martay “inay ka aargudaneyso” weerar gantaal oo Ruushku ay ku qaadeen dekedda Odesa ee Badda Madow.
Weriyayaasha wakaaladda wararka AFP oo ku sugnaa meel u dhow goobta weerarku ka dhacay oo ah xarunta wasaaradda difaaca ka dhacay ee Komsomolsky Prospekt, ayaa sheegay inay arkeen laba dhisme oo fooqa uu khasaare soo gaadhay.
Dhinaca Crimea, Badhasaabka ay Moscow magacowday Sergei Aksyonov ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay soo rideen 11 diyaaradaha drone-ka Ukraine ah.
Waxa uu sheegay in weeraro lagu ekeeyey bakhaar hub yaalay, isla markaana ay guri shacab waxyeelo ka soo gaadhay weerarkaas ay fuliyeen Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn (Drone), inkastoo uu ka gaabsaday inuu faahfaahin dheeraad ah bixiyo.
Aksyonov ayaa sheegay in shacabka laga daadgureeyey xaafado u dhow bakhaarka hubka.
Crimea, oo uu Ruushku dalkiisa ku darsaday 2014-kii, ayaa waxay bartilmaameed u aheyd Kyiv intii uu socday duulaanka Moscow ee Ukraine, hase yeeshee waxay toddobaadyadii dhowaa ay la kulmeysay weeraro dhanka cirka ah.
Kyiv ayaa marar badan sheegtay inay qorsheynayso inay dib u soo ceshato gobolka Crimea.
Isreal oo Ansixisay dib u Habeynta Garsoorkeeda
Isreal(Qaran)-Baarlamaanka Israa’iil Knesset, ayaa cod aqlabiyad ah ku meel mariyey hindise sharciyeedka dib u habeynta garsoorka dalkaas kaas oo xaddidaya Awoodaha Maxakamada sare ay u lahayd ka garnaqa dacwadaha madaxda sare lagu soo oogo.
Arrimtan ayaa sababtay inay dhacaan dibad baxyo balaadhan oo lagaga soo hor jeedo hindisahan kaas oo ay abaabuleen xisbiyada mucaaridka Israel.
Waxaa guul daraystay wadahadalo lagu doonayay in meel dhexe la isugu yimaado, kuwaas oo uu hogaaminayay madaxweynaha dalkaasi, isla markaana la rabay in laga hor istaago xukuumada midigta fog ee Israel, ee uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, inay hore u sii riixdo codeynta baarlamanka.
Hasa yeeshee aqalka baarlamanka ee dalkaasi ayaa sameeyey codayntii Saddexaad ee ugu dambeysay ee sharcigan kaas oo ku meel maray ogolaanshaha 64 Xildhibaan sidoo kale Xisbiyada Mucaaradka ayaa qaadacay ka qeyb galka fadhigaas.
Sharcigan oo qeyb ka ah dadaallada lagu doonayo in dib loogu habeeyo garsoorka dalka Israel, ayaa maxkamadda sare ka hor istaagaya in ay go’aanno ka gaadho dacwadaha lagu soo eedeeyo Madaxda sare ee dalkaas waxayna maxkamadu gacanta ku haysay dacwad musuq maasuq oo lagu soo eedeeyay Raysal wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu.