Diyaarad wax basaasta oo Marayakanku leeyahay oo Ruushku Burburiyey

Diyaarad nooca Dronis-ka ah

Diyaarad dagaal oo laga leeyahay dalka Ruushka ayaa ku dhacday mid ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka, taasoo keentay in diyaarada Mareykanka oo aan cidi wadin ay ku burburto badda madow, sida ay sheegeen ciidamada Mareykanka.

Dhacdadan ayaa muujineysa khatarta sii kordheysa ee iska horimaad toos ah oo dhexmara Ruushka iyo Mareykanka taasi oo ku aadan dagaalka Ukraine.

Maraykanka ayaa sheegay in diyaaradda aan duuliyaha lahayn ay si caadi ah u dul haadeysay hawada caalamiga ah markii labo diyaaradood oo Ruushku leeyahay ay isku dayeen in ay qabtaan.

Ruushka ayaa sheegay in diyaarada aan duuliyaha lahayn ay soo dhacday ka dib markii ay “dhaqdhaqaaq xoogan sameeysay”, wuxuuna beeniyay in labada diyaaradood ay si toos ah ugu dhaceen.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sidoo kale sheegtay in diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee MQ-9 Reaper ay duuleysay iyada oo la damiyay qalabkeed isgaarsiinta. Qalabkan isgaarsiinta ayaa ah mid suuragalinaya in lala socdo dhaqdhaqaaqa diyaaradda.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan Drones-ka nooca Reaper ayaa ah kuwa loogu talagalay dhanka sahanka taasi oo leh ballac dhan 20m (66ft) .

Dhacdadan ayaa dhacday abbaare 07:03 xilliga Bartamaha Yurub Talaadadii, sida uu sheegay militariga Mareykanka.

Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn

“Diyaaradeena MQ-9 ayaa si caadi ah ugu socotay hawada caalamiga ah markii lagu dhuftay diyaarad Ruushku leeyahay, taasoo keentay in ay burburto ,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Dhowr jeer ka hor inta aysan isku dhicin diyaaradaha dagaalka ee Su-27 ayaa shidaal ku daadiyay diyaaradda aan duuliyaha lahayn si “aan ka fiirsasho lahayn, qaab aan wanaagsanayn”, ayuu bayaanka intaa ku daray.

Mareykanka ayaa u yeeray safiirka Ruushka ee Washington, Anatoly Antonov, iyaga oo cabasha ka muujinaya dhacdadani.

Warbaahinta dowladda Ruushka oo soo xiganeysa Antonov ayaa sheegtay in Moscow ay u aragtay dhacdadani diyaaradda mid “daandaansi ah”.

Xiisadda badda ka taagan badda madow ayaa sare u kacday tan iyo markii Ruushka uu qabsaday Crimea sanadkii 2014-kii.

Tan iyo markii uu Ruushku si buuxda ugu duulay Ukraine, Maraykanka iyo UK waxay kordhiyeen sahminta iyo ilaalinta , inkastoo ay had iyo jeer ka hawlgalaan hawada caalamiga ah.

Su’aasha muhiimka ah ayaa ah in dhacdadan Talaadadii ay ahayd isku day Ruushku ku doonayay inuu ku carqaladeeyo diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee Maraykanka iyo shaqadeeda, mise waxay ahayd mid si ula kac ah loo soo riday.

Sida laga soo xigtay Maraykanku, waxaa jiray ” falalka khatar ah oo duuliyayaasha Ruushka ay ku kacayeen” taasi oo ah in ay la falgalaan diyaaradaha dalalka xulufada la ah Ukraine.

Markaa tani waxay si fudud u noqon kartaa qalad uu sameeyay duuliye Ruush ah oo aad ugu soo dhawaaday diyaaradda aan duuliyaha lahayn. Laakiin kani waa weerar ula kac ah oo diyaarad dagaal oo Ruushku leeyahay ku qaaday diyaarad Maraykan ah, markaas taasi waxay noqonaysaa daandaansi weyn iyo koror la taaban karo.

Marka arrintan la eego, weerarka waxaa loo arki doonaa isku day uu Kremlin-ka ku doonayo inuu ku tijaabiyo jawaabta Mareykanka.

Xulafada reer galbeedka ayaa aad ugu dadaalay sidii ay uga maagan lahaayeen dagaalka ka socda Ukraine in uu isu rogo dagaal toos ah oo lala galo Ruushka. Laakiin dhacdadan ka dhacday Badda Madow ka dib Maraykanku hadda waa inuu qiimeeyaa jawaabtiisa.

Sida ay taliyeyaasha ciidamada Mareykanka uga digeen bayaankooda, tani waxay ahayd fal halis ah oo ” keeni karta xisaab-xumo iyo kororka xiisadda ee aan ku talo-gal ahayn”.