Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo waji kale u yeelay dagaalka Ukraine

Diyaarad aan duuliya lahayn

Diyaaradaha aan duuliyaha laheen oo ay sida weyn u adeegsanayaan ciidamada Ukraine ayaa la sheegay iney waji kale u yeeleen dagaalka haatan ku wajahan caasimadda Kyiv uu Ruushku wado.

Laba dagaal ayaan galeynaa ayuu yiri Dmytro Podovorshansky oo ka mid ah ciidamada Ukraine ee jiidda hore ee dagaalka ku jira.

Isaga oo hadalkiisa sii watana wuxuu yiri “dagaal dhanka madaafiicda iyo mid aan u adeegsaneyno teknooloojiyado casri ah oo aan horay u isticmaalin ayaan galeynaa.”

Dmytro wuxuu hoggaamiyaa ciidama sirdoon oo 10 ka kooban uu isagu hoggaamiyo si qarsoonna dagaalka dagaalka Ukraine uga qayb qaadanaya.

Kooxda uu hoggaamiyana wuxuu jecel yahay in loogu yeero kubadara teknooloojiyadda ama IT.

Askari ka mid ah kooxdaasi ayaa wariyaha BBC taleefankiisa gacanta ka tusay diyaarad nooca an duuliyaha laheen uu Ruushka leeyahay oo ay soo rideen.

“Waa natiijo wanaagsan” ayuu yiri isaga oo dhoolla caddeynaya.

Askartan 10-ka ka kooban waxay horay uga soo dagallameen magaalooyinka Robezhny iyo Severodontesk oo ay Ruushka qabsadeen, haddana waxay iisu diyaarinayaan difaaca Sloviansk.

 

Dagaallada horay u dhexmaray Ukraine iyo Ruushka waxaa si weyn loogu adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ama kuwa meelaha fog laga hago.

Ruushka iyo Ukraine labaduba waxay haystaan noocyo badan oo ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee aan duuliyaha laheen.

Ruushka wuxuu ku hubeysan yahay diyaaradaha Orlan-10 uu isagu sameeyey, halka Ukraine ay haysato diyaaradda nooca Bayraktar-UAV uu Turkigu sameeyey.

Diyaaradda Turkiga ee Bayraktar kuwa kale wey ka qaalisan tahay laakiin waxaa sahlan in si fudud loo beegsado ama loo soo rido.

Ciidamada Drones-ska

Ciidamada diyaaradaha aan duuliyaha laheen isticmaala waxay u baahan yihiin barnaamij dhammeystiran oo ka kooban xirfadlayaal, dayactir iyo baddalaad.

“Ciidamada diyaaradaha aan duuliyaha laheen ka shaqeeya waxay awood u leeyihiin iyaga oo ku sugan masaafa gaareysa 2,470km iney jiidda hore ee dagaalka ay la socdaan si dhaqdhaqaaqyada cadawga ay sameynayaan jawaab degdeg ah uga bixiyaan,” ayuu yiri Gaashanle Oleksiy Noskov.

Wasiirka Horumarinta Digitaalka Ukraine Mykhailo Fedorov

Wasiirka Horumarinta Digitaalka Ukraine Mykhailo Fedorov wuxuu BBC u sheegay inuu dalkiisa olole ugu jiro sidi uu u soo iibsan lahaa diyaarada aan duuliya lahayn oo duuli kara ilaa iyo 100 mile kuna qalabeysan kameerooyin xoog leh iyo GPS.

Ololaha Ukraine ay ku raadineysay dhaqaalihi ay ku soo iibsan lahayd diyaaradahaasi waxay u heshay £5.7 malyan oo gini, dhawaanna ay diyaaradahaasi casriga helayaan ciidamada Ukraine.

Ciidamada ku howlgala diyaaradaha aan duuliyaha lahayn waxay sida oo kale qabtaan sirdoonka hawada oo ay la wadaagaan ciidamada kale.

Askari Ukraine

Fedorov wuxuuna intaa ku daray adeegsiga teknooloojiyadaha iney gacan weyn ka gayesnayaan xogta dagaalka in si degdeg ah loo gaarsiiyo taliyaha ciidamada qalabka sida si go’aanno degdeg ah uu u gaaro.

Ciidamada Ukraine waxay aaminsan yihiin haddii ay gacanta u soo galaan diyaaradaha aan duuliyaha laheen oo ay sugayaan uu gabi ahaanba waji kale yeelan doono dagaalka Ukraine gaar ahaanna kan ku wajahan caasimadda kyiv.

Tani iyo marki uu billawday dagaalka Ruushka iyo Ukraine u dhaxeeyo ciidamada Ukraine waxay si weyn u isticmaalayeen diyaaradda aan duuliyaha laheen uu Turkiga sameeyey ee Bayraktar TB2.

Bayraktar TB2

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga ayaa door weyn ka ciyaaray guulaha ay ciidamada Ukraine dagaalkaasi ka gaareen, islamarkana waxaa ay horey door uga ciyaareen meelo badan oo colaado ay ka jireen.

Dalalka iibsanaya diyaaradaha ana duuliyaha lahayn ee Turkiga ayaa sii kordhayay muddooyiinkii u dambeeyay.

In ka badan 15 dal ayaa la rumeysan yahay in ay dalbadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga lagu farsameeyay.