Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump oo warbaahinta kula hadlaayay xafiiskiisa ayaa sheegay in uu la kulmay hogaamiyaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.

Ma ogtihiin in aan la kulmay madaxweynaha Somalia oo aan u sheegay in uu Ilhaan Omar uu u sii kaxeeyo Somalia oo uu halkaas ku celiyo, waxana uu iigu jawaabay ayuu yidhi ma rabo in aan geeyo Somalia.

Ilhan Cumar ayaa ka soo catartay dagaladii qabiiliga ahaa ee Koonfurta Somalia ku dhex maray qabiilka ay ka soo jeedo iyo ka uu ka soo jeedo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud horaantii 1991-kii iyada oo xilgaasi u qaxday dalka Kiiniya oo aay qaxooti ku ahayd ka hor intii ayna qaxooti ahaan u tagain dalka Maraykanka.