Dood ku saabsan Somaliland Qorshe ka yeelan kartaa Mamnuucista Qishka Imtixaanaadka oo la Shaaciyay
Hargeysa(Qaran)-Ismaaciil Axmed oo ah aasaasaha Worldremit, ayaa sheegay in beri ay Twitterka ku qabanayaan dood ku waajahan Somaliland qorshe ma ja yeelan kartaa suulinta qishka imtixaanaadka.
Sidaasna wuxuu ku sheegay qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada oo u qirnatd sidan:-
“Dadka Soomaalida ilaa 70% ayaan helin waxbarasho dugsi. Kuwa dugsiyada galaa na, ma helaan waxbarasho tayo leh, taasi oo keenta in intooda badani aanay si fiican u akhriyi karin sheeko yar oo fudud oo af Soomaali ah marka ay dugsiyada dhexe gaadhaan.
Dalka Itoobiya labadii sano ee u dambeeyay waxa la dhaqangeliyey nidaam suurageliyey in uu joogsado qishkii imtixaannada dugsiyada sare. Tani waxay keentay in ay dhacaan 97% ardaydii imtixaannada galay. Deegaanka Soomaalida isaga 0.3% oo keliya ayaa gudbay imtixaannada.
Waddankii u horreeyey Afrika ee sameeyey tijaabadan lagula dagaallamayo qishku wuxu ahaa Liberia. Sannadkii 2013 ardaydii u fadhiisatay imtixaannada dugsiyada sare oo dhammeyd 25,000 ayaa gebi ahaanba wada dhacay. Hal arday oo jaamacad u gudbey muu jirin sannadkaasi. Tallaabadani waxay keentay in sannadihii dambe tayada waxbarashadu kor u kacdo.
Somaliland ayaa iyadu ku talo jirta in ay tallaabadan oo kale samayso. Waxa isweydiin leh haddii imtixaannada qaabka loo qaadayo la adkeeyo oo qishka na la joojiyay, waa maxay natiijada la filan karaa?
Dood arrimahan ku saabsan ayaannu ku qaban doonnaa X (Twitter) Space, maalinta Isniinta ee 6da Noofamber 8da fiidnimo.”