Doodda qolyaha dilka shicibka taageersan hal ama laba qodob ayay ku soo ururtay

 

Muuse Biixi oo habeenkii uu dadka laayay hadlay, iyo kuwo badan oo isaga ku raacsan oo ka daba hadlay ayaan warkooda si wacan u dhegaystay ilaa Khamiistii 11 August. Xataa mid Cali-mareexaan la yidhaahdo ayaan dhegaystay. Waxa aan is ku dayaayay bal in aan si uun u fahmo lojic gooda iyo dhinaca ay ka imanayaan marka la eego dadka shicibka ah ee iyaka oo aan waxba galabsan, rasaasta la la dhacay ee la laayay. Dooddoodu hal mid oo keliya ayay dhaafi weyday – maxay iyaku isugu soo baxeen marka hore, iyo kuwii soo saaray ee lixda bilood lahaa waa banaan baxaynaa, ayaa dhimashadooda masuul ka ah! Halkan doqoniimo aan badhax lahayn baa ku jirta. Kolnaba is ma ay weydiin, waar dadku hadii ay soo baxeen, maxaa xabadda loo la dahcay? Saw into ay fariintooda gudbiyaan, oo hadlaan, oo socdaan, oo buuqaan, hadana guryahooda iskama tageen? Ma wax hadal ka badan ayay samayn lahayeen? Maxaa Khasab iyo lagama maarmaan ka dhigay in dadka oo aan waxba samaynin, si fiican loo shiisho, oo la dilo? Askartii baa la shiiday oo la dhaawacay ayay yidhahdeen, laakiin dhamaantood dhab ayay u ogyihiin, oo xaqiiqo ah, in xabadda iyo dilku ka horeeyay dhagaxa iyo waxyaabaha aan micnaha lahayn ee shicib gadooday adeegsado, ee dadkaasi gacantooda la heleen, ka dib markii dilka qorshaysnaa, ee ku-talagalka ahaa la gu bilaabay. Anigu mid uun baan ka wadi waayay – niman waxoogay fulaynimo ah, iyo waxoogay nacayb ahi madaxooda galay, aragti dheer na aan lahayn oo dadkan nacab u arka ayaa talada iyo xabadda ba gacanta ku haya. Tasi waa xaqiiqo. Xaqiiqada kale na waxa ay tahay, kuwaas hore kuwo ka ag dhow oo damirkii iyo dadnimadii ba ka xuub siibtay, oo kuwaas ay daba socdaan xataa hadii ay dad nool hilbahooda cunaan oo TV la soo fahdiistaan na aan ku diidayn, oo odhanaaya keeg bay cunayaan, ayaa iyakuna jira oo mushkiladda qayb ka ah. Is ku soo wada duub, Somaliland jiho qaldan ayay u socotaa, sansaanteedu na mudoba waa sii muuqatay.
Waxaa Qoray: