Doodii Mucaaridka iyo Xukuumada(Muxaafidka)
———————————————-
Waan dhegaystay,waa akhriyey doodii Mucaaridka iyo Muxaafidka intii dibada la keenay amase Saxaafada lala wadaagay,ka dib waxaa ii soo baxay sidan:-
Dooda Mucaaridka:-
———————
1. Mucaaridku waxay inoo soo gudbiyeen qoraalkii ay ku garnaqsadeen,kaas oo ay ka muuqatay,aqoon-waayo aragnimo iyo sharci aqoon aad u saraysa.
2. Waxay kalsooni buuxda siiyeen Madaxdhaqameedka-Ganacsatada-Culimada iwm.
3. Waxay kalsooni buuxda siiyeen 2da Gudoomiye ee Guurtida iyo Wakiilada,kuwaas oo weli warkooda la sugayo.
Xukuumada(Muxaafidka)
————————–
1. Ilaa hadda Saxaafada Lamar wadaagin qoraalkii ay ku garnaqsadeen.
2. Waxa markii hore hadlay Wasiirka A. Gudaha,wixii uu sheegay waxan ka fahmay oo keliya -Ciidan Beeleed bay haystaan,laakiin muu sheegin halka uu joogo Ciidankaasi.
2. Waxa hadlay Madaxweynihii dalka iyo dadkaba ugu sareyey,lana sugayey hadalkiisa,waayo waa odaygii dalka,isaguna waxba kamaan fahmin,erayada uu ku hadlayna ma ahayn kuwii Shacabka ka sugayey,haddii laga tegi waayo hadalka MAdaxweynuhu wuxuu uun iska CIYAAR CIYAAR uun.
Goaankii Gartii aan qaaday:-
—————————–
Gartii aan qaaday,anigoo aan cidna Garab siinaynin,100%,waxaa gardaran oo in la qabto u baahan,XuKuumada iyo Xisbiga Kulmiye.
waxaan hadalka ku soo koobay,waar hooy meel fog baa laga keenay ee dib ha u celinana.

AMb. Mingiste