Waxa Qoray Suldaan ayaaanle suldan maxamed maxamuud.
“Waxa hada lasoo sheegay doon saaka ka dhaqaaqdey dekada berbera oo siday xoolo u rarnaa muwadiiniin Reer Somaliland ah iney ku dagtey badweynta.
Waxaan si damqasho ulaqaybsanayaa dareenka xanuunka badan ee kadhaey khasaarsha naf iyo maal (daad iyo duunyo)bulshadeydaa soo gaadhey.
Doonta SK Marwah oo xalay xoolo ka qaaday Dekedda Berbera ayaa ku degtay meel u dhaw marinka Baabul Mandab. Doontan degtay oo ku wajahnayd Yemen, waxay u rarnayd ganacsatadeenna xoolaha dhoofisa. Waxay qaaday xoolo tiradoodu dhan tahay 1780 neef oo isugu jiray Lo’ iyo Adhi. Sidoo kale waxa saarna doonta shaqaale 10 baxaari ah iyo naakhuudihii doonta waday oo aan ila hadda raq iyo ruux midna aan laga haynin.
Waxaan leyaahey dhamaanteen aynu samirno, wixii ale keenaana waa khayr
Ilaaheyna bedeelkeeda waynu kasugaynaa.
Waxaan Alle uga baryayaa in uu cawil-naq khayr qaba ka siiyo ganacsatadeenna maalkoodii ku waayay masiibadan rabbaaniga ah.”
Suldaan ayaanle suldan maxamed maxamuud
Suldaanka guud ee awal bari ahna afhayeenka salaadiinta somaliland