Doorashada kaliya ee Somaliland ka dhicidoonta waa doorashada Madaxtooyada, Xisbiga Waddani taas oo kaliya ayuu galidoona.
Dad badan oo qarkood ay wanaag ka tahay kuwo kalena wiirsi ay ka tahay ayaan ka maqlaa “Waad soo baxaysaane doorashada Ururada Xisbigiina Waddani muugalo”.? Waa run Xisbiga Waddani hadduu xita galo waa hubaal inuu yahay Xisbiga ugu wayn maanta Somaliland, tageerayashiisi iyo kuwo ku soo biirayba ma jiraan cid ka dilaacday amma khatar ku ah, Xisbigay tartamayaan ee Kulmiye anigu hadda waxaan idhaahdaba laba Kulmiye ayaa jira oo awood ahaan isku mid ah (Kaah iyo Kulmiye). Lakiin walal xigmadu taas maha, mabaadi ayaa meesha taala waxaana yaala muqadas ku khasbaaya Ruux kasta oo rer Waddani ah, Murashaxa, Guddoomiyaha, madaxda Xisbiga ilaa tageerayasha, muqadas kaas oo ah.
10-kii sanno ee Xisbiyada liisankooda, ay ahayd inay laba doorasho Madaxtooyo ku galaan, oo ka bilaabmaysay December 26-2012- ilaa December 26-2022. Laba sanno oo cimrigaas kamid ah waxa cunay Kulmiye 1-: Xukuumaddii Axmed Siilaanyo oo 2-sanno loo kordhiyay. Taas oo isa saartay wakhtiga doorashada ururada iyo doorashada Madaxtooyada oo bil qudhi u dhaxayso, maalintii Siilaanyo loo kordhinaayayna waa la arkaayay inay labada doorwsho is fuulidoonan, Madaxtooyada oo Distoori ah iyo furista ururada oo xeer jideeyay. Doorashadii dhici lahayd November 13-2022, waxaa si badheedha iyadoo lagu heshiiyay 12-bilood ka hor meesha uga saaray oo koomiishankii qaban laha doorashada kala diray diwaangalintiina baajiyay Kulmiye 2-: oo ah Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waliba iyadoo sharcigii, lacagtii lagu qabanaayay iyo wax kasta u dhamaystiran yihiin. Markay sida tahay anigoo Kulmiye ah ayaa liisankaagi 2-laba sanno kordhistay oo ka cunay, anigoo Kulmiye ah ayaa doorashadii danbena awood dawladeed iyo wax kasta oo ummadda u dhaxeeyay ku adeegsaday oo ka helay waanad aqbashay, anigoo Kulmiye ah ayaa waxaad sugtaba doorashadii kale ee Madaxtooyo ee 13-November na ku diiday oo aan ku qabanayn sababtuna Kulmiye ahaan ayaanan dantayda ka arkin, anigoo Kulmiye ah ayaa maantana kuleh iska ilow 2-dii sanno ee Kulmiyahayagii hore ka cunay cimriga liisankaga maanta kow ka soo bilow oo waliba waan korodhsanaya kadibna hadaad doonto meeshaba ka baxo markaan kordhinta ka dhergo ayaan liisanka Xisbiyada jadiidinaya markay aniga isugu kay fadhiisato kadib ayaan tii Madaxtooyada qabanaya adna sidaa yeel, waliba anigoo Kulmiye ah ayaa sidaa idhi waana sharci Somaliland oo dhamina haday isu timaado tayda uunbay noqonaysa ee sidaa iska iimaanso ileen awoodi aniga haye.
Yaraysiga iyo awood adeegsiga sidaa ah marka laga reebo Nin damac indho la’aan hayo oo jaanis u arka gardaradaas kuna tageeraya, Ruux kasta gaal iyo muslim qof gartaas u arka mid Mucaaridka qabata majiro. Markay sidaa tahay miyaanay kugu soo dhacayn “Nin ku yidhi sinaanmayno adna buri sarayntiisa”. Amma Ninka doonidaydi kala degay hankiisow anba doonidaadi kala degay hankaygi”. Tariikhda wuu gefaa ruux laba gardaaq ahi iyo midka wixii marka socda uun wax ku qiimeeya, aniguse labada midna ma-ihiye miduun ii diwaangali, intay doonto ha qaadato Doorashada kaliya ee Somaliland ka qabsoomi doonta waa doorashada Madaxtooyada. Ninka u faadhumaysanaaya mid ka soo horaysa amma doorasho ururo ku sheeg amma wax kale ku sheeg aniga Ninkaasi amma Inantaasi iga cilmibadan haday sidaas u dhacdana waan bogaadinaya waliba inaan siyaasadda ku siijirana waan ka tashan doona haday u dhacdo oo Kulmiyaha intaas oo god ka kiciyay Mucaaridka uu godkan “kaafiicni la yidhaahdona uu mucaaridka ka kiciyo oo ay noqoto ta Kulmiye.
Muniir Axmed Cigaal.
La-taliyaha Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani.
May be an image of 3 people, people standing and outdoors