Writen by Qaran News |

Dowladda Bangladesh ayaa waaran soo xiris ah u jartay Muhammad Yunus oo dalkeeda kasoo jeeda kaas oo soo xaadiri waayay maxkamad loogu yeeray.

Ninkan oo horay ugu guuleystay biladda nabadda adduunka ee loo yaqaan “Nobel Peace Prize” ee laga baxsho dalka Norway sannad kalsta ayaa xaadiri waayay maxkamad ku taal magaalada Dhaka ee dalka Bangladesh kadib markii ey soo dacweeyeen shaqaale ka shaqeeya shirkaddiisa bangiga ee loo yaqaan Grameen Communications (GC) oo xuquuq raadsanayay.

Si uu uga gar-boxo maxkamadda ayaa u yeertay masuulkan, balse ma uusan xaadirin maxkamadda, waxaana sida la sheegay uu ku maqan yahay dalka dibaddiisa, sidaasna ay maxkamaddu ugu jartay in lasoo qabto.

Dowladda Bangladesh ayaa iminka booliska adduunka u dirtay warqad lagu soo xirayo ninkan amaba loogu soo gacan-gelinayo.

Ninkan ayaa sannadkii 2006-dii waxaa uu biladda nabadda ee Nobelka uu ku helay u gar-gaaridda dadka saboolka ah, isagoona dhaqaale ey cagaohooda ugu istaagaan uga yaboohay bangigiisa.

Qareen u haylad ninkan ayaa sheegay in warqadda maxkamadda loo soo diray xilli uu ku maqnaa safarka uu iminka jiro, sidaas darteedna uu xaadiri noono maxkamadda marka uu yimaado.