Muddo dheer waxaa gayiga Soomaaliyeed laga isticmaalayey qaadka (ama jaadka) oo ah geed caleentiisa ay dadka qaarkood ruugaan muddo saacado ah, laguna cuno guryaha gudahooda iyo banaanada.
Qaadku ma laha waxtar, wuxuuna leeyahay qabatin la qabatimo oo uu qofku doonayo inuu raadiyo si uu uga qanciyo naftiisa qabatinkaas.
Haddaba maaddadaas qabatinka leh ee qaadka ku jirta waa mid dhaqaajisa in dheecaanno uu qofka ilaahay ku abuuray uu jirku sii daayo kuwaasoo loogu tala galay in jirku sii daayo marka uu la kulmo marxalad cabsi ama welwel leh sida uu sheegay Dr Maxamed Cabdi Gaboose oo ka hadlayey waxyeellada qaadka iyo sababta uu u yahay wax la qabatimo ama loo baahdo.
“Jir ahaan iyo maskax ahaan ayuu u saamaynayaa qofka, waayo wadnihiisa aad ayuu u garaacmayaa, wuxuuna qofku ka baxayaa xaaladda deganaanshaha, wuxuuna galayaa sidii xaalad colaadeed oo kale. Waxaa sidoo kale kor u kaca heerka cadaadiska dhiigga. Isha bu’deeda marka aad eegto xilliga uu marqaanku gaaro way furmaysaa sidii inuu ku jiro xaalad colaadeed ama welwel leh” ayuu yiri Dr Gaboose oo tilmaamaya sida ay maaddadaas u saamayso qofka.
“Maadadaas waxay weeraraysaa qaybta dhimirka. Hadday qaybtaa kaliya weerari lahayd qofka way dhibi lahayd, laakinse qaybta maanka ayaa u qurxinaysa qofka, waxayna siinaysaa qofka ayadoo illowsiinaysa dhibaatada kale inuu qofku u arko xaalad uu raalli ku yahay, ku maqsuudsan yahay oo xalka mushaakilkiisa ay u fududaanayaan. Qaybtaas waa qaybta marka dambe keenaysa in ay sii balaarato oo waalli isu beddesho” ayuu hadalkiisa ku sii daray dhakhtarku.
Qaadka marka la soo guro waa lala degdegaa, si uu dhakhsiyo ugu helo qofkii cuni lahaa isagoon isbeddelin, waxaana sida uu dhakhtarku sheegay ku jirta maaddo 48 saacadood ka dib is beddelaysa oo noqonaysa mid itaal daran oo la yiraahdo “Cathine”.
“Waxaad arkaysaa gaari qaad sida oo aad u ordaya, ayadoo intaa qaadka biyo lagu rushaynayo, waxaana intaa laga ilaalinayaa inuu qallalo oo maaddadu isbeddesho ayadoo caleen muus lagu xiro, ama qaboojiye la galiyo. Qofku markuu maalin kasta xaaladdaas kacsanaanta ah ku jiro jir ahaan iyo maskax ahaan waxaa ka baxaysa tamar fara badan waxaana imaanaysa cafimaad darro” ayuu yiri dhakhtar Gaboose oo ka hadlaya waxyeellada uu qabatinka qaadku leeyahay.
Xagga caafimaadka wuxuu sheegay in gacmo badan oo jeermis leh ay qaadka taabtaan ka hor inta uusan qofku cunin.
Dr.Gaboose wuxuu intaa ku sii daray in uu qaadku dhaawac gaarsiiyo ilkaha, qowlallada, afka, cirridka, caloosha iyo meel kasta oo uu taabto, nabarrana uu ku sameeyo, ilkuhuna marka ay madoobaadaan ay daataan.
Haddaba maxaa laga yaqaan maaddada Cathine ee keenaysa in qofku uu raboodo ama u baahdo qaadka?
Cathine iyo Cathinone waxaa labadaba laga helaa qaadka waxayna qofka galiyaan firfircooni iyo xamaasad. Waxaa kale oo ay sare u qaadaan feejignaanta qofka. Marka dambe waxay keenaan in qofku galo xaalad ah niyadjab, welwel, Khalkhal xagga cunidda cuntada ah iyo hurdada oo ku hallowda.
Haddii cunidda qaadka la badsado, saynisyahannadu waxay sheegeen in qofku uu galo marxalad uu ka tago xaqiiqda dhabta ah oo uu is tuso wax khiyaali ah “Psychotic reactions”.
Saynisyahannada waxay intaa ku dareen in waxaas oo dhami ay qofka ku billowdaan marka uu hal saac qaadka ruugo, hase yeeshee maaddada cathinone ee qaadka ku jirta waxay heerkeeda sare ee jirka qofka gaartaa ilaa 3 saacadood iyo bar.
Taa micnaheedu waa in heerka Plasmada ay gaari karto 100 ng/ml marka la cuno 60 garaam oo qaad fareesh ah muddo saacad ah.
Raadka uu qofka ku reebo waxaa ka mid ah kaadida oo mar kasta ku harta iyo xanuunada gaaska.
Meelo badan oo dunida ah ayaa qaadka laga mamnuucay ayadoo loo diiwaan galiyey inuu yahay qayb daroogada ka mid ah, laakinse waxaa aad looga isticmaalaa Afrikada bari, Yemen iyo Israa’iil oo uusan sharci darro ka ahayn.