Writen by Qaran News |

Dugsiyada gaarka ahi ma gayaan sidan wasaaradu wax u wado.

Qalinkii Cabdi Caawiye

Waxaa xaqiiqo ah markii laga soo laabtay barakicii iyo qoxoontigii uu sababay dagaalkii lala galay Dawladii Siyaad Barre 1991 waxa dalka lagu soo noqday iyada oo ay baaba’een dhamaan waxyaabihii laf dhabarta u ahaa aasaaska nolosha sida goobihii caafimaadka, goobihii waxbarshada, goobihii isgaadhsiinta , goobihii ammaanka IWM.
Ta aynu u socono oo ah ta tacliinta markii ay idlaadeen dhamaan goobihii waxbarshada waxa ay macalimiintii qaaliga ahayd ee falkooda iyo foolaadkooduba ku qotomay muwaadinimadu ay ardeydii qaxa kasoo noqotay u xaadhxaadheen dugsiyadii dumay ee burburay.
Waxa bilaabmay hayaankii geedi socodka waxbarashada waxa uuna qaaday waddo toosan waayo waxa wadey dad daacad ka ah waxbarista ubadkooda oo aan u joojinayn dhibaatooyinkii markaa jirey oo ay ugu weynaayeen amni-daro , duruufo dhaqaale oo dhinac walba lahaa IWM.
Waxa la abuuray wasaarada waxbarashada oo si fiican u hanno qaaday, waxa soo batay ardeydii, waxa soo yara noolaaday kaabayaashii dhaqaalaha waxa la dhisay dugsiyadii dawladaa oo jiingado la saaray qaar ka mid ah.
Maalinba maalinta ka dambaysay waxa aad usoo kordhaayey kor u kaca iyo hore u marka dugsiyada dawlada.
Waxaan xasuustaa anigoo ka mid ahaa ardeydii lagu bilaabay waxbarashada dalka, horumarkii iyo dedaalkii wasaaradii waxbarshada ee xiligaasi waxa uu gaadhay in la bilaabo banaamijkii keddis ee dugsiyada oo lagu qaban jirey garoonka kubadda gacanta Timo-cadde ee Hargeysa.

MAXAA IS BEDELAY?

2008 wixii ka dambeeyey waxaa hoos u dhacay laga dareemayey dugsiyada dawlada oo ay sababo u ahaayeen qoddobo dhawr ah
• Shaqaalaha wasaarada oo fadhiid noqday.
Haddii aad warqad ka donato waxa aad sugsysay inta uu soo toosaayo gudoomiyaha ama
• Maciishada oo qaali noqotay iyo macalimiintii oo wixii ay qaadanayeen noloshii qoyskooda dabooli weyday. Taasi waxa ay keentay cagajiid sababtoo ah macalinku wuxuu wax ku dhigaa niyad. Nin biilkii la werwerayaa muxuu wax dhigi.
• maamulayaasha dugsiyada oo yeeshay dugsiyada ay joogaan qaarkood ayaa 20 sanno aan la bedelin.
• Kormeerka wasaarada oo noqday rag da’ahaan u daalay baahi dhaqaalena qaba. Waxaan arki Jirey kormeerkii oo dhididsan oo soo daalay ayaa kuu immanaaya adigoo fasalka ku jira ileyn waa dad iswada garanaayee wixii aad hayso ayuu gacanta kula galin taasina kala dambayntii iyo gaabkii u dhexeeyey kormeerka iyo macalinka ayey meesha ka saartay.
• Xafiisyadda wasaarada oo waqtigaa ahaa meel aad u dhaashay oo aad moodo in aan loox lagu kordhin sidii dalka loo soo galay inkastoo hadda aad loo hagaajiyey.

Isku soo wadda duuboo dhibaatoouinkaa iyo qaarkale ayaa ragaadiyey dugsiyada dawlada ee maaha waxa wax u dhimay DUGSIYADA GAARKA LOO LEEYAHAY.

Waqti ka dib wax aad hoos ugu dhacaday dardartii iyo hufnaantii dugsiyada Waxbarashada dawlada ta soo marba marka kasii dambaysa sii nusqaamsysay.
Intaa ka dib waxa soo baxay dugsiyo gaar loo leeyahay oo tayadii iyo tusaalihii fiicnaa ee waxbarshada kor usoo qaaday.
Waxa ay abuureen deegaano ku haboon waxbarshada waxa ay tayeeyeen nidaamka kala dambaynta
Iyo daba galka macalinka, waxa ay kor u qaadeen dhaqaalihii macalinkii aynu soo sheegnay ee dhulka yaalay iyaga oo siiyey mushahar dabooli karaaya baahiyaha aasaaska noloshooda.
Ogaw dugsiyadani waxa ay ogolaansho iyo waddashaqayn fiican ka heleen bahdii wasaarada waxbarshada oo u arkaayey dugsiyo waxyaabo taban oo la taaban karo kusoo kordhiyey saaxadii waxbarshada Somaliland.
Muddo kadib waxa soo kordhay dugsiyadii gaarka ahaa dugsiyada aan ka xasuusto waqtiyadii hore waxaa ugu tun weynaa
Ileys, Nuuradiin, 17may iyo qaar kale.

Aragridii Bulshsda ee Dugsiyada gaarka ah.

Markii ay bulshadu aragtay sida ay usii quusayso tayadii waxbarshada ee dawladu, waxa ay doorbideen oo ay ileys iftiiminaaya nolosha caruurtooda ka arkeen dugsiyada gaarka ah.
Waxana ay u kaxeeyeen caruurtoodii dugsiyada gaarka ah.
Aminba aminta ka dambaysa waxa la sii kobcinaayey tayada waxbarashada dugsiyada gaarka ah xagga kii dawladuna sii nusqaamayey markii uu waayey cid kor u qaada.
Dugsiyadii gaarka ahaa waxa ay u hagar baxeen da’yartii waxa ay keeneen agabkii wax barashada oo dhamaystiran.
Waxa ay kor u qaadeen tayadii barayaasha dugsiyada hadda ogow maaha barayaasha dugsiyada gaarka oo kaliya ah macalimiintu waa kuwii dawlada lkn gelina dugsiyada gaarka ayey tagaan gelina dugsiyada dawlada.
halkaana waxa kasoo baxay qodob ah in ay kabeen dhaqaalihii macalinkii qaadanayey wax aan dhinacna kaga dhacayn baahidiisa nololeed iyagoo u qoray mushahar ka ugu qaalinsan ee wadanka.
Dugsiyada gaarka ahi waxa aysiiyaan macalinka 3 cisho la jooga lacag ka badan 350$.
Waxa ay dugsiyada gaarka ahi shaqo abuur u sameeyeen in ka badan kumanaan muwaadin oo isugu jira
Macalimiin, maamulayaal, basleyaal, ilaaliyayaal, cunto sameeyayaal, iyo nadiifiyayaal iyo qaarkale oo badan.
Hadda ha moodin inaan u jeedo dugsiyada gaarka ahi lacag bay leeyihiin lkn waxaan u jeedaa dhaqaale ahaan macalinkii duruufaysnaa way kabaan.

Su’aasha maanta wasaarada waxbarashadu dugsiyadii intaas oo faa’iido ah usoo kordhiyey umada iyo macalimiinta badankooda maxaa ay u rabtaa in ay cagta hoos galiyaan oo la waayoba?
Maxaa ay tahay cadaawada at wasaarada waxbarashu u qabto dugsiyada gaarka ah?.
Miyaanay muwaadiniin ahayn oo aanay macalimiintii wadanka ahayn?
Miyaanay wasaaradu ahayn ta iyadu halkaa dhigtay dugsiyada dawlada?

Jawaabahaas iyo falan qayntoodaba kala soco maqaalada dambe.
Shaywaal12@gmail.co

Qalinkii Cabdi Caawiye

063-4115877