Dullucda Booqasho Guddoomiye Xirsi ugu tagay Nin Dhallinyaro ah


Hargeysa(Qaran news)-Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa booqday Cabdisamad Mawliid oo ka mid ah dhalinyarada magaalada Hargeysa, kaas oo loo dhibaateeyay soo dhawayntii guddoomiyaha ee 28kii January ee Hargeysa.

Gudomiyaha ayaa Qoyska Reer Mawliid shiikh Cabdilahi u sheegey in uu ka xunyahay Dhibka loo gaystay Ninka dhalinyarada ah ee fikirkiisa cabiray iyo cid uu taageersan yahay.