Dullucda Qoddobada
Horyaalla Kalfadhiga 10aad ee Golaha Deeganka Burco
Hargeysa(Qaran news)Kalfadhigii 10-aad ee golaha Deegaanka degmada Burco, ayaa maanta ka furmay xarunta Dawladda Hoose ee Burco.
Duqa dowladda hoose ee degmada Burco, Mudane Cabdirisaaq Ibraahim Cabdi, ayaa furay Kalfadhigan oo ay ka soowada xadireen inta badan xildhibaanada golaha degaanka ee degmada Burco.
Ajandaha Kalfadhiga 10-aad ee goluhu uu ku shaqayn doono ayaa loo qaybiyay xildhibaanada.
Kalfadhiga ayaa ka kooban shan qodob oo kala ah, Xoojinta doorka Dowladda hoose ee xaaladaha amni ee gobolka iyo qaranka, isla xisaabtanka golaha iyo fulinta iyo isbarbadhigga qorshaha iyo miisaaniyadda 2023, wareejinta maaraynta qashinka, samaynta habraaca wareejinta maaraynta qashinka iyo isku shaandhaynta guddi hoosaadyada golaha deegaanka.
Gaba-gabadii golaha degaanka ee degmada Burco ayaa cod gacan taaga ku ansixiyay ajandaha Kalfadhiga 10-aad.