Hargeysa(Qaran news)-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha JSL Maxamed Cismaan Siciid ayaa maanta ku soo dhaweeyey Madaarka caalamiga ah ee Cigaal wefti ka socday dalka Camaroon ee ku yaalla Afrikada Galbeed.

Waxaa Weftigan hoggaaminayay Hon. Joseph M. WIRBA oo ah Xubin kamid ah baarlamaanka dalka Camaron ayaa waxaa wehelinaayay David Njibamum iyo Dr.-Eng. Augustine Mofor oo ah laba xubnood oo ka tirsan maalgashadeyaasha Ganacsiyada iyo wershadaha ku leh dalal afrikada ka mid ah ayaa waxa sidoo kale qayb ka ahaa Marwo Saamiya Muuse safiirkii hore ee Somaliland u fadhiyay dalka Finland.

Weftigan ayaa dhawrka maalmood ee fooda innagu soo haya joogi doona dalka ayaa waxaa ayaa u kuur gali doonaan horumarka Somaliland ka socda iyo fursadaha Maalgashi ee dalka yaala.