Writen by Qaran News |

Dulmanuhu muxuu ka dheefay ilbaxnimada dilaaga?!

Taariikhda inta la xasuusto xasuuqa ay Mareykanka, Ingiriiska, Faransiiska, Spain, bortuqiis iyo Jarmalku geysteen labadii qarni ee tegay, cid gaysatay ma jirto.

Waxa la sheegaa in 100 milyan tiro ku dhow in addoomo ahaan Afrika looga afduubay si wershadaha iyo beeraha tubaakada ee Mareykan loogaga shaqaysto iyagiina 80% badda ayey ku sii le’deen.

Gumaysigii Ingiriisku Hindiya waxa uu ku xasuuqay tiro 30 milyan ku dhow.
Mareykanku inta taariikhda la ogyahay waa dawladda keliya ee hubka nukliyeerka magaalooyin dhan ku dambaseysay oo ilaa maanta cuduradii ka dhashay adeegsiga hubkaas ay dadka deegaankaa ku dhashaa la noolyihiin!

Adduunka laga awoodda badan yahay sannad kasta malaayiin qof oo ku nool ayaa macaluul, cudurro iyo colaado loo debberay ku baaba’a.

Ma aha dhibaatooyinka siyaasadeed ee ka jira Ciraaq, Suuriya, Falastiin, Yemen, Afrika in badan oo ka mid ah, Eeshiyada bari iyo Laatiin Ameerika dhibaatooyin xero u dhalad ah ee waa colaado loo soo waariday oo ninka cad ee Mareykan iyo Yurub joogaana maal, muruq iyo maskaxba uu ku bixiyey.

Duulaan debedeed oo keliya si uun ayay ummadaha qaardood isaga caabbin lahaayeen ee dulli diirka uga eeg maan ahaanna beddelan ayaa loo adeegsaday oo ilaa maanta madaxa kaga taagan intii soo hadhay, waa kuwa maanta inala hortaagan ammaanta reer galbeed iyo qaadashada dhaqankooda dhagarta ku dhisan!

Ninka cad ee reer galbeed dhibta uu Aadmiga u geystay ayaa ka badan dheefta ilbaxnimadiisa laga faa’iiday, malaayiinka ruux ee sida tooska ah ama dadban loo xasuuqay maxay ka faa’iideen horumarka dilaaga?

• Gunnimada gummaysiga ragbaa lagu gunneeyaaye
• Nimanbaa garaaddo u sitoo lagu gargaaraaye
• Gal aan laga filayn buu nasrigu iiga soo geliye
• Gabbalkaa dumaan dhawrayaa guusha Eebbahaye
• Mar uun baa god loo qodi dulmiga gaalku dheefsade
• Mar uunbuu gargaar heli midkii lagu gadaannaaye
• Allahayow adaa guul baxshee muruqa noo giiji.

Wax yeelidi haba danbeysee in ay bulshadu wacyigaas yeelato ayaa maanta lagala dagaallansan yahay oo la doonaya in ciddii damiir lehba la aamusiiyo.

Dr-Abdulqani Hussein Beder.

Image may contain: 1 person
Image may contain: 1 person
Image may contain: 1 person, closeup
Image may contain: one or more people
Image may contain: one or more people, people sitting and people playing musical instruments
+2