Dulmiga iyo Caddaalad darradu markay ku soo gaadho dulmi ma ah ! dulmigu mar kasta waa dulmi.
“Cuqubadu halkii lagu galay caw ku huruddaa
Carruurtay ka laysaa ninkii caano baas dhama”
16 January 2022 xilli duhurkii ku beegan ayay si kibira noogu weerareen Hotel Canjeerada laga cuno ku yaal Jigjiga-yar Saalim Wayab oo ka tirsanaa Sirdoonka iyo 3 inan oo ciidan ah, Saalim waa dhibanahan hadda Aabbihi u doodayo xuquuqdiisa, maalintaa waxaanu ka dacweynay Saldhiga Kood-buur oo Taliyihii waxba kama qaban karo na yidhi, waxaan dacwad u qorray Taliska Ciidanka Booliska iyo Xeer ilaalinta Ciidanka midkoodna nooma garaabin, aadbaa dad badan iyo madaxiba ugu faraxday, Wayab iyo raggi kale kamay garaabin gardarrada iyo gefkaa ubadkooda.
Waxaanse ka xumahay eedaysane Saalim Wayab in lagu tunto xuquuqdiisa oo lagu tacadiyo, waxaan usoo jeedinayaa qolada wadd gabbood falka ee silslilda ku xidhay in ay dhawraan xuquuqda Maxbuuska oo ay ogaadaan in Nafsi jiro oo tacadigaa ay gaysanayaan laga yaabo in iyagna ay ku dhacdo, waxaan usoo jeedinayaa dhallinyarada lagu adeeganyo in au ogaadaan in waxay gelayaan yahay Dulmi iyo Nafsi, Wariye Wayab oo ah Waalid waan la dareemayaa murugada iyo tacadiga!
Saalim Wayab ha helo Caddaalad daahfuran, Saldhigana haku helo xaqa Maxbuus, cidda jidh dilaysana haka dayso gabbood falka iyo tacdiga lagula kacaay

Halkan ka Daawo:-