Dulmigii Havoyoco wali maan ilaawin.“Dharaaro qadhaadh xasuustood”

Maan jeclayn inaan ka hadlo horana ugamaan hadal waxana igu xambaray markaan arkay hayadii qalbigayga dhawacday oo dabaal degyo samaynaysa ayan xasuustay wixii ay ii gaysatay …..
Waxay ku beegnayd 2004
Waxaan ahaa arday dhameeyay dugsiga dhexe ee Ahmed guray ee ku yaala degmada ” Ahmed dhagax “
Si kadisa waxaa laygu sheegay in hayad layidhaa #havoyoco ay qaadanayso arday la barayo xirfado kala duwan sida :
• Electrician (dable)
• Carpenter (nijaar)
• Mechanic
• Computer oo hablo qudha ah
Goor subaxa ayaan imi xarunta hayada oo markaa ku taalay
” Maxkamada gobolka Hargeisa ” kasoo horjeedkeeda aniga iyo nin aanu asxaab ahayn, waxaa kaloo iyana joogay goobta dhalinyaro aad ubadan oo xiisaynaysa farsamada gacanta
Gudahaanu ayaa nala galiyay waraqo imtaxaan ku qoran yahay ayaa naloo qaybiyay alxamdu lillah waan kusoo baxay imtaxaankii waana lay aqbalay
Ka dib waxaan doortay qaybta “Mechanic”
Waxaa macalin ii ahaa ” Xaaji dable” oo ree new hargeisa aha waxaa mamulka ka mid ahaa wakhtiga nin la odhan jiray “sulub”
Mudo sanad ah ayuu soconayay course kaasi oo waliba bilaash buu ahaa (bilaa lacag)
Ayaan daro maanu helin agabkii aanu wax ku baran lahayn ama tools looga baahna class ka ee aanu practical ka ku samayn lahayn
Maalin walbana waxaa naloo keeni jiray hayado ama qolooyin cadaana oo nala tusi jiray
Mana haysano agab kii wax barasho
Waxaa class ka ila dhigan jiray laba nin oo #xabashi ah oo mid kamida ahi hada uu joogo wadnka Australia oo Hargeisa laga dhoofiyay, waana laba nin ee inta badan hayadahu markay yimaadaan la tusi jiray si loo yidhaa xataa ajaanib qoxoontiya ayaanu wax barnaa !
Waxaanay ahayeen laba ninoo aqoon ahaan aad uliita basically ku hadalka afkuna ku adag yahay
Sanad kadib waxaanu dhamaynay
Course kii anigoo odhan kara waxaa iga lumay wakhti taa badalkeedana waxaa laygu dul cunay lacago fara badan oo aan xaq ulahaa inan wax ku barto
Markaanu imtaxaankii galnay waxaan ku guulaystay kaalin #koowaad
Malintii shahadad nala gudoon siinayay anagoo Hall kii fadhina ayaa la xaadiriyay ardaydii kaalmaha hore ku guulaysatay waxanan maqlay “qaybta Mechanic waxaa ku guulaystay” #Tasfaye oo ah nin Ethiopian ah !!! Sacabka utuma anigii shock 😲😳
Kaalintii labaad baa lay geeyay
Runtii aadbaan u niyad jabay
Malintaa waxan dareemay in dalkaygii Ethiopian igaga xaq badan yahay ……
Waxa Qoray Nasir Mohamed Geelson