Erdogan oo shuruud kale ku xidhay Finland & Sweden si ay NATO ugu biiraan

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in aqbalitaankii Finland iyo Sweden ee NATO aan weli si toos ah loo dammaanad qaadin.

Erdogan waxaa sheegay in taasi ay ku xiran tahay sida ay labadan dal u fuliyaan  ballankii ay la galeen xukuumadda Ankara.

Isagoo ka hadlayay magaalada Madrid, gabagabadii  shir madaxeedka Gaashaanbuurta NATO, ayuu Erdogan sheegay in baarlamaanka Turkiga uusan ansixin doonin codsiyada wadamada Waqooyiga Yurub ilaa ay marka hore muujiyaan midnimada Ankara iyagoo weliba ficil ahaan u sameynaya oo aanan hadal keliya Meesha looga baahnayn.

NATO ayaa si rasmi ah Sweden iyo Finland ugu casuuntay inay ku soo biiraan isbahaysiga – iyagoo soo afjaraya dhexdhexaadnimadooda milatari ee tobanaanka sano ay wadeen.

Turkiga ayaa ka soo horjeestay go’aankaasi, isagoo ku eedeeyay labadan waddan inay martigeliyaan dhaqdhaqaaqayaasha Kurdiyiinta oo uu Turkiga u arko urur argagixiso ah.

Madaxa Gaashaanbuurta Nato Jens Stoltenberg ayaa sheegay in Sweden ay aqbashay in ay Turkiga kala shaqeyso dalabaadkeeda ku aaddan dagaalyahannada xagjirka ah.

Labada dal ayaa meesha ka saari doona xayiraadaha ku aaddan in ay hub ka iibiyaan Turkiga, sida uu sheegay.

Madaxweynaha Finland, Sauli Niinistö, ayaa sheegay in saddexda dal ay saxiixeen heshiiskooda ku aaddan in la kordhiyo in ay iska taageeraan wax kasta oo halis ku ah amniga dalalkaas.

Diyaarad dagaal

Dhawaan waxaa isbaddalay mowqifkii madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, uu ku diiddanaa in dalalka Sweden iyo Finland ay ugu biiraan isbahaysiga NATO.

Labadan waddan ee ka tirsan Yurub ayaa cabsi dhanka amnigooda ah dareemay kaddib markii uu Ruushka weeraray Ukraine.Sweden iyo Finland labaduba waxa ay baddaleen siyaasaddoodii ku aaddanayd in aysan dhinac la safanin, iyagoo hadda go’aansaday inay qayb ka noqdaan isbahaysiga militeri ee NATO.

Waxa ay noqon doonaa dalalka 31-aad iyo 32-aad ee xubnaha ka noqonaya gaashaanbuurta reer galbeedka.

Muxuu Erdogan u baddalay mowqifkiisa?

Waxaa lagu soo warramay in Turkiga uu uga hor istaagay Sweden iyo Finland ku biiritaanka NATO si uu Mareykanka uga helo dano uu ka leeyahay.

Erdogan waxa uu doonayaa inuu wanaajiyo xiriirka kala dhaxeeya Biden

Washington ayaa uga careysan Turkiga arrimo dhowr ah, gaar ahaan ku lug lahaanshaha xaaladda Suuriya, u dhawaanshaha Ruushka, sida uu ula dhaqmo Kurdiyinta iyo arrimo ku saabsan xuquuqda aadanaha.

Maalintii Talaadada, maamulka madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa sheegay in Turkiga uu diiday in uu aqbalo sidii wax looga baddali lahaa dhammaan arrimahaas.

Bulent Aliriza, oo ah agaasimaha Xarunta cilmi baarista caalamiga ah ee Think Tank, oo fadhigoodu yahay Washington, ayaa wargayska Los Angeles Times ku yiri: “Erdogan waxa uu doonayaa in uu hagaajiyo xiriirka uu la leeyahay Biden”.Taas ayaa sabab u ah in uu oggolaaday rabitaanka Sweden iyo Finland, sida uu qabo khabiirkan.

Madaxweynaha Turkiga ayaa xiriir wanaagsan la lahaa madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump.Mar uu Trump sanadkii 2019-kii erdogan kusoo dhaweeyay Aqalka Cad ayuu sheegay in uu taageero u yahay madaxweynaha Turkiga.

Balse Biden ayaa tan iyo markii uu madaxweynaha noqday dhowr jeer khadka telefoonka kula hadlay Erdogan.