Ergo culus oo laga soo xulay beesha Isaxaaq Care oo ka koobnaa Jiif Caaqilo, Caaqil, salaadiin, aqoonyahan, ganacsato iyo waayeel ayaa maanta qaarna gàadheen magaalada Burco  qaarna hada ku sii jeedaan, ergadani oo ka koobnayd 50 xubnood waxa ay si buuxda uga  qayb qaadan doonaan shirka maalinta bari ah beelaha Garxajis uga furmi doona magaalada Burco.

Ergadani waxa ka mid ah 15 xubnoo oo laga soo xulay Shanta ardaa ee Cabdalle Isaxaaq ay ka koobanyihiin oo ay ku jiraan cuqaali kuwaasi oo lagu soo xulay talo mudo dheer laga baraan degaayay