Ergayga madaxweynaha Soomaaliya u magacaabay wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland ayaa kulankiisii ugu horreeyay la yeeshay guddoomiyaha Aqalka sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi.

Ergayga ayaa guddoomiyaha waydiiyay fekerkiisa ku saabsan dib u bilaabashada wadadahalada Soomaaliya iyo Somaliland iyo waxyaabaha uu ku talinayo si loo gaadho wadahadal midho dhal ah.

Dhanka kalena Puntland ayaa cambaareysay, ergayga Madaxweyne Xasan Sheekh u magacaabay wada hadalada Somaliland & Dawladda faderaalka, waxayna kusifeysay in Xasan Sheekh aan waxba siyaasad ah u kordhin, oo uusan garowsaneyn Midnimada dalka.

Somaliland ayaa iyana taagan in cid kasta oo la soo magacaabo iyo wada hadal kasta oo dhex mara Somaliland iyo Somaliya aanu waxba ka bedeli doonin goodnight isu taaga Somaliland sidoo kale dawlada Somaliland ayaa maamulka Puntland u aragta mid ka mid ah dawlada Somaliya isla markaasna ayna ayna ka hadli karin arimaha Somaliland lana qadariyo xuduudkii u dhexeeyay labadii dal ee midoobay 1960kii isla markaasina kala dhaqaajiyay 1991kii