Kornayl Jaamac Maxamuud Doolaal, oo HCTV Burco kula hadlay ayaa sheegay in loo soo jaray waaran lagu qabanayo oo sida uu sheegay madaxtooyadu waddo.
Doolaal, ayaa sheegay in xukuumaddu ka shakiday safar uu ku tegay deegaamo ka tirsan Buuhoodle iyo Togdheer balse uu safar kaasi ahaa oo keliya mid uu dadkiisa ugu tegay oo aan waxba ku dhex jirin.
Doolaal, ayaa sheegay in Somaliland ay ka jirto Caddaalad-darro baahsan oo dhinackasta leh.
Xukuumadda ayaa hore u xidhay Doolaal sannadkii hore iyadoo markii dambe la siidaayay.
May be an image of 4 people