Ex-M/weyne Trump oo ku sigtay inuu shaqada ka eryo gabadhiisa

Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Donald Trump, ayaa mar ku sigtay inuu xilka ka qaado gabadhiisa Ivanka iyo seygeeda Jared Kushner oo labaduba ahaa la-taliyayaal sare oo ka tirsanaa Aqalka Cad.

Faahfaahinta arrintaas iyo arrimo kale oo xasaasi ah ayaa lagu soo bandhigay buug ay qortay Maggie Haberman oo ah weriye u shaqeysa New York Times, kaasoo cinwaan looga dhigay “Nin Isku Kalsoon”.

Buugga ayaa ka warramay nolosha Trump xilligii uu ahaa ganacsadaha, madaxweynaha iyo weliba markii uu xilka ka degay, waxaana lagu saleeyay xog dhinacyo badan ah oo ay ku jiraan waraysiyo laga qaaday Trump qudhiisa.

Madaxweynihii hore ayaa ku dhaliilay weriyaha in buuggeedu uu yahay mid ay ka buuxaan sheekooyin aan dhab ahayn, isla markaana aan la hubin.

Waxyaabaha la yaabka leh ee ku xusan buuggaas waxaa ka mid ah:

Inuu damcay eryida Ivanka iyo Jared Kushner

Kulan ay fadhiyeen agaasimihii Aqalka Cad, John Kelly iyo qareen Don McGahn, ayaa Trump waxa uu ku sigtay in bartiisa Twitter uu ku shaaciyo in gabadhiisa Ivanka iyo seygeeda Jared Kushner oo xilal muhiim ah hayay ay shaqada ka tegi doonaan, sida ay buugga ku sheegtay Haberman.

Waxaase arrintaas ka digay Kelly oo kula taliyay Trump in marka hore uu la hadlo gabadhiisa iyo seygeeda. Trump ayaa ka gaabsaday inuu la hadlo, waxaana ay sii wateen shaqooyinkooda ilaa inta uu ka dhammaaday xilkiisa.

Buugga ayaa lagu sheegay in Trump uu marar badan dhaliilay wiilka uu sodogga u yahay, isagoo mar ku tilmaamay inuu u “hadlo sida ilmaha” kaddib markii uu dhegeystay khudbad uu Kushner jeediyay 2017.

Trump oo ka hadlay qodobkaas ayaa sheegay in weligiis “aanu ku fekerin” eryidda Ivanka iyo seygeeda.”

Duqeynta goobaha lagu diyaariyo daroogada Mexico

Qoraaga buugga ayaa sheegtay in Trump uu marar dhowr ah soo jeediyay in la duqeeyo goobaha lagu diyaariyo maandooriyaha ee dalka Mexico, arrintaas oo uu ka yaabay xoghayihii gaashaandhigga ee xilligaas, Mark Esper.

Fekerkaas ayaa ka dhashay kaddib markii uu Brett Giroir oo la shaqeeya waaxda caafimaadka dadweynaha uu tegay Aqalka Cad, isagoo ku labisan dharka hay’addaas oo u eg kan ciidanka. Waxa uu Trump u sheegay inay tahay in si adag loola xisaabtamo goobaha lagu farsameeyo daroogada ee Mexico.

Sida buugga lagu sheegay Trump ayaa u qaatay in Giroir uu yahay taliye ciidan (labbiska awgiis), waxaana uu soo bandhigay in la duqeeyo. Howlwadeennada Aqalka Cad ayaa markaas kaddib u sheegay Giroir in aanu mar dambe soo xiran dareeskaas.

Waxa uu ka baqay inuu u dhinto Covid-19

Markii uu Trump helay xanuunka Covid-19 bishii Oktoobar 2020, xaaladdiisa ayaa gaartay meel adag, waxaana uu aad uga baqayay inuu u geeriyoodo cudurkaas.

Ku-xigeenkii agaasimaha Aqalka Cad, Tony Ornato, ayaa mar ku wargeliyay Trump in haddii xaaladdiisa ay gaarto meel adag, uu markaas ku qasbanaan doono inuu billaabo hannaanka lagu xaqiijinayo in howlaha dowladda ay sii socdaan.

Inkastoo uu Trump ka walaacsanaa xaaladdiisa caafimaad, haddana waxa uu marar badan hoos u dhigay saameynta uu leeyahay xanuunka, isagoo ku amray howlwadeennada ka ag dhawaa inay iska bixiyaan maaskaraha.

“Cudurka ha ka dhigin wax weyn,” ayuu Trump u sheegay barasaabkii New York, Andrew Cuomo, sida lagu sheegay buugga.