Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa maanta socod lug ah ku maray Degmada Axmed dhagax ee Hargaysa.
Sidoo kale, Gudoomiyaha ayaa bulshada qeybaheeda kala duwan kula shaaheeyay goobaha dadku isugu yimaaddaan.
Ujeeddada Booqashada Gudoomiyaha ayaa ku qottontay u kuur-glid xaaladda Bulshada iyo in uu wakhti iyo is xog-waraysi la qaato Bulshadiisa.