Faahfaahino kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay Qaraxyo culus oo isxixigay oo Gilgilay magaalada Baledweyne

email sharing button
 

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo Ismiidaamin ah oo aad u xoogana oo barqanimadii Maanta ka dhacay Xerada Lamagalaay ee magaalada Baledweyne, kuwaas oo geystay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur baaxad leh oo gaaray dhismayaal kala duwan.

Qaraxyada Ismiidaaminta ah ayaa loo adeegsaday laba baabur oo mid ka mid ah yahay kuwa Xamuulka qaada waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday masuuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle iyo dad shacab ah.

Masuuliyiinta dhimashadooda la xaqiijiyay waxaa ka mid ah wasiirkii Caafimaadka Hirshabeelle Dr. Zakariye Hurre iyo gudoomiye ku xigeenkii maamulka iyo Maaliyadda gobalka Hiiraan Abuukar Maadeey, waxaana wararku intaasi ku darayaan in masuuliyiin kale iyo saraakiil ciidan ay kasoo gaareen qaraxyada dhaawacyo kala duwan.

Majirto wali tiro rasmi ah oo xaqiijineysa khasaaraha ka dhashay weerarada isxigxigay ee loo adeegsaday qaraxyada Ismiidaaminta ah, hayeeshee wararka madaxa banaan waxay sheegayaan in tiro ka badan 10 ruux ay ku geeriyootay qaraxyada, waxaana sidoo kale jira khasaaroyin dhaawacyo u badan oo gaaray dadka degan xaafadaha ka agdhaw xarunta xarunta maamulka gobolka Hiiraan iyo sidoo kale guryo farabadan oo jugta qaraxa ku dumay.

Muqaalo hordhac oo laga soo qaaday goobta qaraxyada ka dhaceen ee xerada Lamagalaay ayaa muujinaayay burbur baaxad weyn oo gaaray dhismayaashii ku yaalay halkaasi oo ay ka mid yihiin dhismaha xarunta maamulka gobolka, kan dowladda hoose iyo dhismaha Madaxtooyada labaad ee Hirshabeelle.

Laamaha amaanka iyo maamulka gobolka Hiiraan wali maysan ka hadlin qaraxyadaan khasaaraha badan geystay, hayeeshee saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa iney war kasoo saaraan qaraxyadaasi.